Man United oo 12 milyan Janaayo ku dalban doonta xidiga kooxda Celtic Victor Wanyama.

Manchester United ayaa kor u qaaday xiisaha ay u qabto xidiga qadka dhexe ee kooxda Celtic Victor Wanyama.

Ciyaaryahanka u dhashay dalka Kenya ayaa ahaa geesiga Celtic kulankii Arbacada ay 2-1 ku dardareen Barcelona, wuxuuna kooxdiisa u dhaliyey goolka furitaanka isagoona luuq geliyey xidigaha sida aadka ah iskula jaan qaada Xavi iyo Andres Iniesta.

Bandhigiis ayaa soo jiitay United iyadoo agaasimaha wakiilada Yurub ee kooxda Martin Ferguson uu ku sugnaa Celtic Park si uu mar kale u daawado 21 jirkaan.

Wargeyska Sportsmail ayaa markii ugu horeysay bishii Jiune daaha ka qaaday in United ay isha ku heyso horumarka uu sameynaayo.

QPR ayaana ku guul darreysatay inay 10 milyan oo ginni bishii August kula soo wareegaan Wanyama halka Manchester City, Arsenal iyo Sunderland ay sidoo kale xiiso u qabeen.

Celtic ayaa sanadii hore Wanyama kala soo wareegtay kooxda Germinal Beerschot  ee ka dhisan dalka Belgium waxaana uga baxay saxiixiisa 90 kun oo ginni isbuucii lasoo dhaafay tababare Neil Lennon ayaa sheegay inay ku rabaan 25 milyan oo ginni.

Si kastaba, kooxda ka dhisan Premier League ayaa si aad ah isha ugu haaya xilli ay doonayaa inay Janaayo u diraan dalab ku dhow 12 milyan oo ginni United ayaana culeys saari doonta inay soo dhaqaajiyaan. Tababare Sir Alex Ferguson ayaa doonaya inuu qadkiisa dhexe ku xoojiyo Wanyama oo ah xidig da’yar.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Somalia.