Man Utd oo saraakiil daawata caawa u diri doona xidiga Dortmund R.Lewandowski.

Manchester United ayaa Saraakiil daawata u diri doona Robert Lewandowski, kulanka caawa ay kooxdiisa BVB ay Etihad Stadium kula madlan tahay kooxda Man City, sida uu qoray wargeyska The Sun.

Red Devils ayaa u sheegay Borussia Dortmund inay weeraryahanka reer Poland ku iibsan doonaan 16 milyan oo ginni.

Waxayna doonayaan inay weerarka kula lamaaniso weeraryahankii  hore ee Arsenal Robin van Persie, kaasoo u muuqday waayadaan hal bowle aysan kooxda dhana uga maarmin.

Si kataba, Alex Ferguson ayaa waqti dheer isha ku haayey Lewandowski oo 24 jir ah, wuxuuna doonayaa inuu kasoo hoos xaluuliyo saxiibkiis Shinji Kagawa.

Iyadoo Indha-indheeyeyaal loo diri doono kulanka caawa ay la ciyaarayaan Manchester City wareega Group-yada ee Champions League.

Lewandowski ayaa 30 gool u dhaliyey Dortmund sanadii lasoo dhaafay, iyadoo xulkiisu uu qeyb ka marti geliyey koobkii Euro 2012.

Fergie ayaa hada heysta weeraryahano ku filan — laakiin wuxuu jeclaan lahaa inuu weerarkiisa sidoo kale qeyb ka dhigo ciyaartoda ka ciyaari kara garbaha.