Manchester United oo 30 milyan ku dooneysa kubad sameeyaha Real Madrid Mezut Ozil.

Sida ay daabaceen inta badan wargeysyada kasoo baxa dalka Ingiriiska Manchester United ayaa si weyn u dooneysa kubad sameeyaha dalka Germnay iyo kooxda Real Madrid Mezut Ozil, iyadoo ay dhowaanahaan suuqa xanta ah yaaleen warar sheegayey in Ozil uu ka tegaayo Madrid.

Ka dib markii uu Real kusoo biiray kubad qaabeeyaha dalka Croatia Luka Modric, 23 jirkaan ayaa u waayey booskiisa qadka dhexe iyadoona loo door biday inuu ka ciyaaro labada garab midkood, waxaana ay arintaani keentay inay xaaladiisa isha ku hayaan kooxo dhowr ah oo ka dhisan dalka England.

Manchester Utd ayaa haatan isi soo diiwaan gelisay iyadoo miisa soo saartay 30 milyan oo euro inay ku qaadato xidiga asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga, waxaana horay u doonayey kooxda Liverpool ee dalka England.