Maqaamka gaarka ah ee magaalada MUQDISHO

Sida la ogsoon yahay, Muqdisho oo ah magaalo qaadiim ah, waa caasimada Jumhuuriyadda Soomaaliya. Taariikh ahaan magaalada lama oga faca ay jirto laakinse dadka taariikhda yaqaan waxay sheegaan inay ahaan jirtay magaalo xudun u ah ganacsiga oo badanaaba ka imaan jiray wadamada ay qoyso badweynta hindiya sida Carabta iyo Pershiyanka kuwaas muddo hore oo degay xeebaha gobolka Benaadir.

Kalimada Banadir waxay asal ahaan ka soo jeeda luqada ay ku hadlan umadda Persian ka ah ee Bandar taasoo macnaheedu yahay marso ama deked ayadoo loola jeeday magaalooyin marseedka gobolka benadir ee Somalia ee Muqdisho, Marko iyo Baraawe. Magaca Muqdisho isagana waxaa lagu fasira “maqcadu Shaah” xarunta shaaha Persia.

Magaalada waxaa ku dhaqana dad hodon ah waxaana ka socday waagaas ganacsi xoog leh waxaana qarnigii 13aad booqasho ku yimid bad-mareenka Carbeed ee dalka Moroco u dhashay ee Mohamed Ibnu Batuuta iyo Vasco de Gama oo ahaa Badmareen bortuqiis ah oo isna yimid qarnigii 15aad.

Muqdisho waxaa sannadku markuu ahaa 1430 soo booqday safiir ka socday boqortooyada markaas ka talineysa dalka Shiinaha ee ku abtirsan jiray dhaxaltooyada Ming Dynasty ayadoo Shiinuhu ka jawaabayeen booqasho hore ay Muqdisho ugu dirtay dalka Shiinaha sannadku markuu 1416.

Caasimada waxaa isu soo bedelay xukuumado kala duwan min sannadka 370 ee miiladiga sida (XIMYIR, ISLAAM, HALAWAAN, SHIRAAZI, FAKHRUDIIN, BURTUQIIS, MUDAAR, CUMAAN, MUSTACMARDO TALYAANI IYO INGIRIIS iyo nidaankii wisaayada ee Talyaaniga ee AFIS.

Somalia markii ay xoiyadda gaartay 1960, caasimada Somalia waxay maamulayay Duqa magaalada oo kaashanayay Gole Deegaan oo la oran jiray (Consiglio Municpale ama City Coucnil).

Gobolka Benadir wuxuu ka koobna 8 degmo waxana xukumyay Guddoomiyaha Gobolka (Governor of Benadir Region) ayadoo Degmada Muqdisho uu xukumayay (Commissario Distrettuale).

Nidaamka kacaanka ee 1969 ilaa 1990 ayaa hal meel isugu geeyay hoggaanka caasimada oo Duqa Magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka oo mid qur ah ka dhigay.

Waqtiga dawlad la’aanta min 1991 ilaa 2000 muqdisho waxaa la gaarsiiay heerkii ugu xumaa inti ay soo jirtay ayadoo la burburiyay dhamaan daarihii iyo guryaha sida quruxda badan u dhisan lana tirtiray oo gacta la mariyay dhamaan dhulkii ay yiiliin wixii taariikh ee soo jireenka ahaa ee yiilay caasimada oo maanta noqon lahaa dhaxal-qaran “National heritage”.

Dagaal-ogayaashu waa u suuroobi weysay inay xitaa dhisaan maamul ka shaqeeya bilic soo celinta magaalda oo loo casilay heer tuulo ka hoose ayadoo faras magaalaha Muqdisho uu noqday keyn duur waraabaha soo galo.

Waxaa la mooda in hadda waqtigaas la soo dhaafay ayadoo muddo la hadal haya in caasimada loo yeelo maqaam gaar ah sida ay mar dambe ku hanan lahayd magaca caasimada oo looga gudbin lahaa goof reer leeyahay.

Abuurista maqaamka cusub ee Muqdisho waxaa marka hore ugu horreysay in la abuuro gole deegaan oo ka dhex muuqan karaan dad si ramzi ah uga wakiil dadka Soomaalida ee degena Muqdisho isla makaana ku lahaa dano dhaqaale oo isugu jira hanti ma guurto iyo mid kale oo caasimada loo yiqiin wixii burburka ka horreyay.

Inta laga gaarayo waqtiga in golahaasu doortaan Duqa Magaalada Muqdisho lana joojiyo magaacibista ay dawladdu soo magacaabeyso dawladaas oo iyadaba ku timid dadka la soo soocay oo aan la soo dooran ayadoo dadka soo soocay laftooda aaney jirin cid ay dhaqan ahaan iyo si kale uga wakiil yihiin.

Xoriyada markii Soomaaliya ay gaartay waxaa Duqa Magaalada Muqdisho ahaa Ahmed Muude Hussein waxaana kaalmo u ahaa gole deegaan oo magac iyo maamuus ku leh shacabka dhexdiisa.

Fiiri sawirka hoose. Waxaa ka muuqada Mudane Ahmed Muude Hussein (dhexda) oo ay weheliyaan awooway Haji Mohamed Ossoble “Walayo” qofka geeska xiga ee bidix, Haji Muridi iyo Mr. Martini.

walaayo 1

Waa waqti ay booqasho ku marayeen dalka Shiinaha qiyaas 1962 ayagoo marti u ah dawladda hoose ee Magaalada Beijing, Jumhuuriyadda Shiinaha Dadka. Sawirka waxa lagu qaaday xarunta dawladda hoose ee Bejing kan kalena waxaa lagu qaaday kaawad ama “bridge” webiga Yan Tse-Yeng ee dalka Shiinaha.

Awowahey Alle ha u naxariisto. Laakinse Xaji Ahmed Muude iyo Xaaji Muridi nolol ayaan ku ogaa waxaanse ogenin meel uu ku dambeeyay Mr. Martini. Inta ka nool iyo inta dhimatay Ilaah ha u wada naxariisto.

walaayo 2

W/Q: Cabdulqaadir Walaayo