Mareykanka: Nin la dhashay ‘Marwada Al-Qacida’ oo dad ku dhex afduubtay kaniisad Yahuudda ay leeyihiin

Dallas (Caasimada Online) – Is-mari waa ayaa ka taagan kaniisad Yahuudda ay leeyihiin oo ku taalla meel u dhow magaalada Dallas ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka, halkaasi oo nin hubeysan uu dad ku haysto.

Ninkan ayaa dalbanaya in lasii daayo gabar ay walaalo yihiin oo horey loogu helay dambi argagixisanimo, wuxuuna afduubtay Rabbi-ga ama baadariga kaniisadda iyo dhowr qof oo kale, sida ay sheegen booliska.

Afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki ayaa sheegtay in madaxweyne Joe Biden lagu wargeliyey xaaladdan oo ka taagan magaalada Colleyville oo 40km galbeed ka xigta magaalada Dallas. 

Taleefishinka ABC News, oo soo xiganaya ilo-wareedyo aan la shaacin, ayaa sheegay in dadka la haysto ay kala yihiin Rabbi-ga iyo saddex qof oo kale oo ku cibaadeysanayey kaniisadda oo lagu magacaabo Congregation Beth Israel.

ABC News ayaa sidoo kale sheegay in ninka afduubka gaystay uu hubeysan yahay, islamarkaana uu sheegay inuu wato walxo qarxa.

Isaga oo soo xiganaya sarkaal Mareykan ah oo xog ogaal ah, ABC News wuxuu sidoo kale weriyey in ninka qabsaday kaniisadda uu sheegay inuu la dhashay Aafia Siddiqui – oo loo yaqaan “Marwada Al-Qacida,” uuna dalbaday in walaashiis xabsiga laga sii daayo. 

Aafia Siddiqui, oo horey u aheyd saynisyahan Pakistani ah, ayaa maxkamad ku taalla New York waxay 2010 ku xukuntay 86 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay inay isku dayday dilka saraakiil Mareykan ah oo ku sugnaa Afghanistan.

Kiiskeeda ayaa caro xooggan ka dhaliyey dalka Pakistan. 

Aafia ayaa hadda ku jirta xabsi federal oo lagu magacaabo Federal Medical Center (FMC) oo ku yaalla magaalada Fort Worth ee gobolka Texas, una dhow halka uu hadda walaalkeed dadka ku haysto.