Mareykanka oo si kulul uga jawaabay warar lid ku ah Odinga oo laga baahiyay

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay aad uga xun tahay wararka leysla dhexmaraayo ee ku aadan in fiisaha dal ku galka Mareykanka loo diiday Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga.

Saraakiil ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibada Mareykanka ayaa sheegay inaanu jirin wararka sheegaya in Mareykanka uu fiisaha dal ku galka u diiday Raila Odinga

Waxa uu Sargaalka sheegay inay been abuur tahay in Raila Odinga loo diiday fiisaha, waxa uuna intaa raaciyay inaanu jireynin sharci ka maanacaaya in booqasho uu ku tago Mareykanka.

Waxa uu Sargaalka intaa raaciyay in Waaxda Arrimaha Dibadda ay Raila ku soo dhaweyneyso booqasho walba uu ku doonayo in uu ku gaaro dalka Mareykanka saacad walba.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay inay aaminsan tahay Siyaasada Raila Odinga, sidaa aawgeed ay beeninayaan wararka sheegaya inay diideen fiiso dal ku gal ah uu ka dalbaday Raila.

Dhianaca kale, Safaarada Mareykanka ee Kenya ayaa sheegtay inay soo dhaweyneyso go’aanka uu doorashada ka qaatay Raila Odinga.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com