Marka ay noqoto hal arrin, Xasan wuxuu mudan yahay ammaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, dhaliilo badan waa uu lee yahay marka ay timaado siyaasadda arrimaha gudaha iyo qaabka uu ku hago dalka, hase yeeshee Xasan hal arrin marnaba laguma dhaliili karo.

Marka ay timaado siyaasadda arrimaha dibedda, madaxweynaha Soomaaliya waxa uu qabtay oo dalka gaarsiiyey wax aysan qaban ama aysan gaarsiin dhammaan madaxweynayaashii ka horreeyey ee dalka so maray xilligii burburka.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ku guuleystay inuu noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed ee dalka ku marti-geliya shir madaxeedka IGAD, tan iyo markii ururkaas la aasaasay sanaddii 1986-kii.

Shir madaxeedkii IGAD ee shalay Muqdisho ku qabsoomay, waxa uu ahaa astaantii ugu dambeysay ee muujisay guulaha siyaasad arrimo dibadeed ee Xasan Sheekh uu usoo hooyey Soomaaliya.

Shirkaasi waxa uu dhabar jab ku ahaa argagixisada mar kasta qaraxyada iyo gumaadka ku haya shacabka ee ujeedkeedu ugu weyn uu yahay inay diraan farriin cinwaan looga dhigo “Soomaaliya iyo Muqdisho nabad kama jirto”.

Qabsoomidda shirka ka sokow, waxaa dowladda, gaar ahaa hay’adaha amniga iyo nabad-sugidda ay ammaan ku mudan yihiin in shirkaas uu ku qabsoomay si nabad galyo ah, oo carqalad ka maran.

Waa macquul in dadka qaar ay ku cowdaan in jidad badan la xiray ama la hakiyey isu socodkii dadka, hase yeeshee xaqiiqda Muqdisho ka jirta ayaa ka dhigeysa tallaabooyinkaas lagama maarmaan.

Ka sokow shirka IGAD, madaxweyne Xasan waxa uu ku guuleystay inuu soo celiyo xiriiro arrimo dibadeed badan oo muhiim ah, uguna muhiimsanaa kan dowladda Mareykanka oo markii ugu horreysay aqoonsatay dowladda Soomaaliya tan iyo dowladdii Milatari.

Soomaaliya, hadda waxaa ka jirta dowlad aan wadan magaca KMG, oo caalamkuna ula macaamilo sida dal madax banaan oo ixtiraam mudan, balse aan loola dhaqmin maamul ka jira dal dagaallo sokeeye ay halakeeyeen.

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda dacwad ka geeyey dowladda Kenya, oo isku dayeysi inay boobto badda Soomaaliya, waxaana haddii uu kiiskan ku guuleysto uu noqon doonaa geesi qaran.

Wax kasta oo lagu dhalleeceeyaba, madaxweyne Xasan waxa uu mudan yahay ammaan marka ay timaado siyaasadda arrimaha dibedda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com