Marka la eego marxaladda wadankeenu ku jiro, maxaa la gudboon Soomaalida?

Tan iyo burburkii qarannimadeena dhamaadka qarnigii 20-aad, umadda Soomaaliyeed waxaay ku taamaysey inaan dhisano hoggaan iyo maamul dowladdeed oo:

1. Dib u yagleella haykalkii dowladnimo iyo hay’adaheedii, una adeegga bulshoweynta Soomaliyeed

2. Ilaaliya midnimada iyo madaxbanaannida dalkeena, oo xakameeya faragelinta shisheeyaha /dibedda, gaar ahaan tan deriskeena

3. Xafidda hantida kooban ee qarankeena, kana fogaadda musuqmaasuqa iyo xatooyada hantida umadda Soomaliyeed

4. Huwan, kana muuqato haybaddii Soomalinimo oo ka duwan kala qaybsanaantii qabiiliga ahayd

Anigoo ku kalsoon in inta baddan umadda Soomaaliyeed ay isku raacsan tahay afartaa ujeedo ee kor ku xusan, waxaa marag madoonto ah inaysan nasoo marin maalin maanta aan uga dhownahay inaan gaarno himilooyinkaas sare.

Maamulka hada inoo dhisan ma eedla’a laakiin hala dumiyo waa arin guracan oo Soomaalidu aysan ogolaan karin, waayo waa soo aragnay maamul la’aan. Waa in aan toosino wixii qalooc ah ee yimaada, siina ambaqaadno ka mira dhallinta daddaalkii dheerraa ee aan usoo galnay dib u yagleellida qarannimadeena.

Umadda Soomaaliyeed waxaa la gudboon inaan ku fara adaygno dowladnimada soo kobcaysa, cod dheerna uga dalbano dhinacyada isku haya siyaasada dalka inay ilaaliyaan midnimada iyo madaxbanaannida dalkeena una turaan soo kabbashada qarankeena.

Waxaa muhiim ah in dhinacyada isku haya hoggaanka dalkeena maanta, waa Raysalwasaaraha iyo Madaxweynaha’e, inay dib uga noqdaan dhamaan go’aannadii iyo ficilladii keenay qilaafka cusub ee iminka jira, doorashadana ku soo gebagabeeyaan mudo koobban oo cayiman.

Hadafkeenu waa inaan xafiddano dowladnimadeena, la shaqayno maamulka jira inta aan ka dhisanayno maamul cusub oo horay usii ambaqaada himilooyinkeena, kana taxaderno mar dambe inaan dib ugu noqono fowdadii iyo burburkii aan kasoo kabanaynay in mudo ah.

Mahadsanidiin

Maxamed F. Jaamac,
mfjama@gmail.com
Virginia, USA

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.