Markab siday Shidaal oo  laga leeyahay dalka Iran  Oo ku gubanaya Badweynta India

Iiraan-(Caasimadda Online)-Warar goordhow soobaxay ayaa sheegaya in Markab laga leeyahay dalka Iran uu ku degay badda Shiinaha, iyadoo la sheegay in markabkaasi uu haatan gubanaayo.

Markabkan ayaa lagu magacaabaa Sanchi, waxaana la sheegay in hadda dabka uu ku faafay masaafo dhan 100km oo isku wareeg ah,iyadoo ay soconayaan howlo loogu gurmanayo shaqaalihii saarnaa Markabkaasi.

Waxaa la sheegayaa in Markabkan Sanchi uu sidey 136,000 tan oo shidaalka ceyriinka ah,32 shaqaale oo saarnaa ayaa dhammaantood geeriyooday.

Wararka ayaa sheegaya in Illaa afar goobood uu dabka ka holcayo sida ay ku waramayaan warbaahinta Shiinaha,dowladda Shiinaha ayaa waxaa ay wadda qorshe ku aadan sidii maraakiib gurmad ah loogu diri lahaa.

Shidaalka uu waddo ayaa waxaa la sheegay in uu yahay mid sun ah, islamarkaasna ka gubasho og shidaalka kale,mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Iiraan ee ku aadan dhacdadaani.

War ka soo baxay Wasaaradda gaadiidka Shiinaha ayaa lagu sheegay in ay kooxo u direyso halka uu markabka ku gubanayo si wax looga qabto dhibaatada deegaanka u iman karta.

Ilaa iyo haatan lama sheegin macluumaad ku saabsan halka uu ku wajahnaa markabkan gubanaya.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com