MARYAN MURSAL oo JIg-jiga ku sugan ayada oo wadda qorshe cusub oo ah..

Jigjiga (Caasimada Online) Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya waxaa ku sugan fannaanada weyn ee Maryan Mursan Ciise Bootaan oo ka mid ahayd hobaladii Waaberi ee hooyada Fanka.

Fannaanada oo caasumaad ka heshay dowlad deeganka Itoobiya ayaa la dajiyay gurri ku yaalla aqalka madaxtooyada.

Waxay sheegtay in heesaha ay lee dahay qaar badan ay u badali doonto dhaanto oo aad looga jecel yahay dowlad deeganka Soomaalida ee Itoobiya.

Mar ay ka hadleysay Maryan Ciise booqashadeeda iyo wax yaabaha ay ku aragtay Jigjiga waxay sheegtay in muddo laga joogo 40 sanno ay ugu dambeesay Jigjiga xilligaas oo ay socdeen dagaalladii Soomaaliya iyo Itoobiya ayadoona intaas ku dartay in waligeedna aysan ku fikirin in ay aragto horrumarka ay gaartay Jigjiga iyo dhammaan dhulka dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya.

Waxay sheegtay inta ay joogto magaalada in ay qaban doonto bandhig faneedyo ay ka mid yihiin dhaanto iyo heeso kale oo muujinaya horumarka nabadda Jijiga.

Ugu dambeyn waxay tilmaamtay in dadweyne fara badan ay ku soo dhaweeyeen magaalada Jigjiga tan iyo markii ay timid.

Fannaanada oo la weydiiyay sidda ay u aragto fannaaniinta hadda soo baxay iyo heerka uu fanka marayo, waxay sheegtay in ay soo dhaweeneyso fannaaniinta da’ yerta oo qaar badan ay aad uga hesho heesaha ay qaadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com