Mas’uul ka tirsanaa maamul-ka degmada Yaaqshiid oo qarax lagu dilay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo lala beegsaday guddoomiye ku xigeenkii arrimaha siyaasadda ee maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, Macallin Xuseen Filla-wayne, kaas oo la soo wariyey in uu qaraxa ku dhintay.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa ku sugnaa xilliga la qarxinayey xaafadda Buulo Maaxaay oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka qaraxa loogu xiray gaarigiisa, isla-markaana uu ku dhintay isla goobta, sida ay shaaciyeen mas’uul ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid.

Maryan Maxamed oo ah marwada mas’uulka geeriyooday ayaa dhankeeda sheegtay in qaraxa guddoomiyaha loogu xiray gaarigiisa, xilli uu ka soo baxay xaafadda, gaar ahaan gurigiisa oo ku yaalla gudaha degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

“Gaariga wax loogu xiray ayey aheyd kursiga uu ku fadhiyey ayey la kacday, kaligiis ayuu ahaa marka uu qaraxa dhacayey,” ayuu tiri Maryan Maxamed.

Sidoo kale waxaa meesha ay wax ka dhaceen tegay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, balse weli wax war ah kama soo saarin qaraxa.

Dilka loo geystay guddoomiye ku xigeenkii siyaasadda ee degmada Yaaqshiid ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaanka darri ee ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho.

Weeraradaan ayaa ku soo aadaya, xilli ay dhankooda howlgallo ballaaran wadaan ciidanka ammaanka dowladda, si ay u sugaan amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.