DF oo markii u horreysay ka hadashay khilaafka maamul goboleedyada (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo la hadlayey warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka, isaga oo si gaar ah uga hadlay xiriirka haatan u dhexeeyo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Fiqi ayaa marka meesha ka saaray inuu jiro khilaaf u dhexeeyo labada dhinac, wuxuuna sidoo kale beeniyey in ay dowladdu qorsheyneyso dagaal ka dhan ah maamullada dalka.

Wasiirka ayaa si gaar ah usoo hadal qaaday arrinta Koonfur Galbeed oo aad loo hadal haayo, maadaama la sheegay inuu mad-madow kala dhexeeyo dowladda federaalka.

Sidoo kale wuxuu tusaale u soo qaatay safaradii uu madaxweyne Xasan Sheekh  ku tegay Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Garoowe, wuxuuna tilmaamay in muhiimaddu ay aheyd wanaags iyo wada-shaqeyn dhex-marto dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

“Dowlad goboleedyada heshiis-baan la nahay waxa dagaal ah oo lagu qaadayo ama la iclaamiyey ma jiro wixii Personal ah oo qof fikirkiis ah ama aragtidiisa uu dhiibto isaga ayey u gaar tahay, laakiin madaxweynuhu Koonfur Galbeed waa tegay waa la ogaa sidii loogu soo dhoweeyey iyo waxa ay ku heshiiyeen, madaxweynuhu Galmudug waa tegyey, Puntland ayuu hadda ka yimid, dowlad goboleedyada kalena wuu u socdaa,” ayuu yiri Fiqi.

Dhinaca kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalka dowladda uu ku wajahan kaliya kooxda Al-Shabaab, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in laga hortegao weerarada kooxdaasi.

“Argagixisada iyagaa dagaalka iclaamiyey iyagaa dadka soo weerarayo, Hoteel Xayaat maxaa loo soo weeraray, Maxaas maxaa loo jajabiyey iyo tuulooyinka ku dhow dhow?”.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, xilli haatan loo ballansan yahay shir u dhexeeyo dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo ka dhici doono magaalada Garoowe, waxaana looga hadli doonaa xaaladda dalka gaar ahaan xiriirka dowladda & maamul goboleedyada.