Maxaa ka jira in kala shaki uu soo kala dhex-galay xubnaha Midowga Musharraxiinta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Daahir Maxamed Geelle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kala shaki la sheegay inuu soo kala dhex galay Musharaxiinta Mucaaridka oo ku mideysan Gole mucaarid ah.

Waxa uu sheegay inaysan waxba ka jirin tuhunka laga qabo in kala shaki soo kala dhex galay Mucaaridka, islamarkaana ay iskugu kalsoon yihiin sidii hore, oo ay yeeshan kulamo ay uga arrinsanayaan doorashada.

“Siyaasadda sideeda waa iska tuhun, qof aan wax lagu eedeynayn oo siyaasada soo aaday majirto, anaga shalay sidii aan iskugu kalsooneyn ayaa iskugu kalsoonahay. Xalay waxaa laheyn shir Zoom-ka ah oo mid kale waa isku ballansanahay,” ayuu yiri Musharax Daahir Geelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka arrinsanayaan arrimaha doorashada oo ay ka soo saarayaan mowqif mideysan, uusan jirin wax tafaraaruq ah oo soo kala dhex galay oo wiiqaya ujeedkii loo sameeyay Golaha ay ku mideysan yihiin mucaaridka.

“November 19-keedii sanadkii 2020-ka ayaa isku nimid doorasho ayaa riixeynay sanadkii waxyar baa ka dhiman, shaqadii aan u taagneyn sidii ayaa u taaganahay, laakiin group-kii xiligaas shiray sidii ayay u shiraan oo go’aanka u leeyihiin.”

Waxaa muddooyinkii dambe isa-soo tarayay tuhuno la xiriira in Midowga Musharaxiinta uu soo kala dhex kala shaki, oo qaarkood ay u janjeedhsameen madaxtooyada, taasi oo uu beeniyay Musharax Daahir Geelle.