Maxaa ka jira in Puntland ay qorsheyneyso muddo kororsi?

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo dhowaan xilkan loo magacaabay ayaa ka hadlay xaaladda Puntland, gaar ahaan muddo kororsiga la sheegay inuu  ku howlan yahay Deni.

Ugu horreyn wasiir Juxa ayaa iska fogeeyay in sababta loo magacaabay ay qeyb ka tahay muddo kororsiga lagu eedeynayo madaxtooyada, gaar ahaan madaxweynaha Puntland.

Wasiirka cusub ee wasaaradda gudaha Puntland ayaa gebi ahaan meesha ka saaray inuu jiro qorshey ku darsasho ah oo miisak saaran, sida uu hadalka u dhigay.

“Ku darsasho wax la yiraahdo oo miiska saarani ma jirto. Dowladdaana wax gaar ah oo dan ah, ka sakow inuu barnaamijkan hirgalo mooyee ma jirto. Juxana taas qeyb kama ahan,’ ayuu yiri wasiir Cabdi Faarax Saciid (Juxa).

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta reer Puntland inay u diyaar garoobaan doorasho dimuquraadi ah iyo inay codka weydiistaan bulshada.

Dhanka kale wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland Cabdiweli Mire Xirsi  ayaa ka jawaabay hadalkii ka soo yeeray wasiirkii hore ee Maaliyadda Xasan Abgaal oo shaaciyey in isaga iyo madaxweynaha ay isku qabteen in doorashada lagu soo koobo illaa 12 degmo.

Xirsi ayaa beeniyey arrintaas, wuxuuna shaaca ka qaaday in aysan jirin wararka sheegaya in 12 degmo laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah, taasina aysan macquul aheyn.

Puntland ayaa u diyaar garoobeyso doorasho kusoo fool leh, waxaana haatan sii billowday is jiid jiid u dhexeeyo siyaasiyiinta xil doonka ah iyo madaxa hadda tallada heyso.