Maxaa ka jira in Somaliland laga xiray XAFIISKII ay ku lahayd ADDIS-ABABA?

Hargeysa (Caasimada Online) – Mudooyinkii dambe waxaa soo ifbaxayay warar sheegayay in gabi ahaanba la xiray Xafiiska Somaliland ku lahayd magaalada Addis Ababa, kadib markii uu Abiy Axmed talada dalkaasi la wareegay bishii April ee sanadkan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, oo arrimahaasi ka hadlay ayaa sheegay in waxba aysan ka jirin wararkaasi, islamarkaana wali sidiisii uu shaqeynayo Xafiiskooda.

“Waxba kama jiraan in la xiray Safaarada Somaliland ee Addis Ababa. Sidii hore ayay u shaqaynaysaa. Waxaana rajeynaynaa inuu sii shaqeeyo,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland u sheegay warbaahinta.

Dr Sacad ayaa hadalkiisa intaas ku daray in Isbedaladda ka dhacaya wadanka Itoobiya ee uu hormuud ka yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed aysan saameyn ku yeelan doonin xiriirka Somaliland kala dhaxeeya xukuumadda Addis Ababa.

“Cilaaqaadka nagala dhaxeeya Itoobiya, waa mid ku saleysan isku daneysi, waxaana rajeynaynaa inuusan wax saameyn ah ku yeelan doonin isbedalada Abiy Axmed, uuna sii jiri doono xiriirkeena,” ayuu Dr Sacad daray hadalkiisa.

Dhanka kale, Wasiirka oo soo hadalqaaday wadahadaladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu diyaar u yahay mar walba Wadaxaajoodka, laakiin wuxuu shuruud uga dhigay in marka hore loo hogaansamo heshiisyadii hore.

Wasiir Sacad oo si kooban uga hadlay halka uu marayo qorshaha ballaarinta Dekadda Berbera ayaa sheegay inuu wali socdo, islamarkaana la keenay Dekadda Qalab casri ah, kuwaasoo wax ka bedal loogu sameynayo adeegyadda Dekadda.

Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta ayaa heshiis kula gashay Somaliland inay maalgashi ku sameyso Dekedda Berbera, kaasi oo ay saami dhan 19% ay ku yeelan doonto Itoobiya, kadib heshiis ka dhacay Dubai April 2018.

Xigasho: Garowe Online