Maxaa ka jira inuu xumaaday xiriirka DF iyo Galmudug?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in uu wanaagsan yahay xiriirka dowlad goboleedkaas iyo dowladda Federaalka ka dhaxeeya, wadashaqeyn wanaagsanna kala dhaxeysa dowladda.

Tan iyo markii la doortay Xasan Sheekh, ayaa warar soo baxay waxay sheegayeen in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu noqon karo kan ugu horreeya ee dowladda federaalka ay riddo.

Qoor Qoor ayaa aad ugu dhowaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo markii hore xilka Galmudug ku geeyey dagaal lagu qaaday Ahlu-Sunna.

Si kastaba, Cali Daahir Ciid ayaa hoos u dhigay xiisadda labada dhinac, waxa uuna tilmaamay in Galmudug mar waliba ay u taagan tahay xoojinta dowladda dhexe iyada oo tusaale loo soo qaadan karo shirarkii udub-dhexaadka u noqday doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Ciid ayaa dhanka kale difaacay go’aankii wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada ka qaateen wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka sabab ka dhalatay hab qaybsiga lacagaha kabka ah, gaar ahaan lacag $100 milyan ah oo ka timid dhanka World Bank.

“Xiriirka dowladda dhexe iyo Galmudug wuu wanaagsan yahay, Galmudug waxa ay door wanaagsan ka qaadatay doorashadii dalka ka dhacday oo waxa ay martigelisay shirarkii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb,” ayuu yiri Cali Daahir Ciid.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo dhowaan saluugay magacaabista golaha wasiirada iyo sida loogu saleeyay hab qaybsiga beelaha ayaa sheegay in ay ka wada hadleen arrintaas ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ka socda shir u dhaxeeyo dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana la filayaa in lagu soo afjaro mad madowga u dhaxeeya labada dhinac.