Maxaa ka soo kordhay xaalka aqoonyahanka taageera Farmaajo ee la afduubtay?

Nairobo (Caasimada Online) – Qoyska Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa war cusub ka soo saaray xaaladda aqoonyahankan oo maalintii Talaaladadii aheyd ee la soo dhaafyay lagu afduubtay bartamaha magaalada Nairobi ee caasimada waddankaasi Kenya.

Cabdicasiis Sheekh Cabdisamad oo ay walaalo yihiin Cabdiwahaab ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in wal-wal xoogan uu soo jawahay qoyska, tan iyo markii la faduubtay walaalkiis, isagoo xusay inuu dhibaato ku noqday afduubka loo geystay Cabdiwahaab.

“Wal-wal saa’id ah ayaa jira wax hurdaaya malaha Walaahi dhibaato badan ayaa jirta ciyaal yar yarna waa joogaan oo murugeysan dhibta ma yara,” ayuu yiri Mr. Cabdicasiis

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay meel kasta ay tageen, ayna ku wargeliyeen laamaha dowladda, si loo baadi goobo aqoonyahan Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo illaa iyo hadda aan la garayneynin sababta loo afduubtay iyo sidoo kale cidda ka dambeysa intaba.

‘Horta wax aan kala socono malaha meel kasta waan tegnay waan raadinay, dowladdana waan u sheegnay, Media wax kasta waa kala hadalnay” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in kiiskan ay la aadi doonaan maxkamadaha, isla-markaana ay qabsan doonaan Lawyer, si loo qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Hadda Lawyer baan qabsan doonaa dhib malaha maxkamadda ayaan tegeynaa wixii sharci ah oo dalka ka jira ayaan raaceynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa ah fallanqeeye iyo aqoonyahan ka soo jeeda Soomaalida Kenya, waxaana sidoo kale uu si weyn u taageersan-yahay madaxweynaha uu waqtigiisy dhammaaday ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).