Maxaa kala soctaa deegaanada laga soo kala doortay Xildhibaanada ugu badan ee gudbiyay Mooshinka Emirate-ka Carabta.

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ay Mooshin cusub u gudbiyey Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somalia.

Mooshinka ayaa la sheegayaa inuu ku fooraaro faragelinta uu Emirate-ka Carabta ku hayo arrimaha Somalia, gaar ahaan faragelinta dowlada iyo maamul Goboleedyada.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa xaqiijiyay in Mooshinkan lagu cambaareeyay faragelinta uu Emirate-ka Carabta ka dhexwado gudaha Somalia, isla markaana uu iska horkeenay Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada, sida uu hadalka u dhigay.

Mooshinka ayaa waxaa lagu xusay Safiirka dowlada Emirate-ka Carabta u fadhiya Somalia Mohammed Othman oo si ganbasho la’aan ah isaga horgeeya dowlada Somalia iyo maamul Goboleedyada.

Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Emirate-ka Carabta, ayaa la xaqiijiyay inay u badan yihiin garabka Xisbiga Daljir oo aad uga didsan Siyaasada gurcan ee Emirate-ka Carabta.

Ka sokow Xildhibaanada Mooshinka saxiixay ee Daljir ayaa waxaa jira Xildhibaano kale oo aad u farabadan kuwaa oo laga soo kala doortay deegaanada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, halka Xildhibaanada kale ay dhaliilo ka muujiyeen Mooshinka ka dhanka ah Emirate-ka Carabta.

Mooshin wadayaasha ayaa Emirate-ka Carabta u cuskaday Jabinta sharciyada Qaranka iyo Isticmaalka awoodo ka mamnuuc ah in loo adeegsado dowlad marti loo yahay.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa Guddoonka baarlamaanka Somalia ka dalbaday in Mooshinka la horkeeno Xildhibaanada si looga gudbo halista uu Emirate-ka ku hayo Somalia.

Sida lagu cadeeyay qoraalka mooshinka heshiisyada uu Emirate-ka la saxiixday Maamul Goboleedyada ay ka horimanayan dastuurka dalka, sidoo kalene ay liddi ku tahay midnimada iyo qaranimada Somaliya.

Dhinaca kale, dowlada Emirate-ka Carabta ayaa horey galaangal ugu yeelatay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, isagoona ka haysta mid lamid ah taageeradii ay Maamul Goboleedyadu u muujiyen isbahaysiga Sacuudiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com