Maxaa kasoo kordhay qalliinkii lagu sameyay C/kariin Guuleed?

Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay xaalada caafimaad ee madaxweynaha maamulkaaasi C/kariin Xuseen Guuleed oo qaliin loogu sameeyay dalka India.

C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa la sheegay in qaliin qaatay muddo hal saac ah loogu sameeyay dalka India, haatan uu yahay mid uu soo wanaagsanaanayo caafimaadka madaxweynaha maamulka Galmudug.

Xubno ka tirsan maamulka Galmudug ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in madaxweyne C/kariin uu galay qaliin mudo hal saac qaatay, iyadoo aysan sheegin waxyaabaha uu la xanuunsaday madaxweyne Guuleed.

Shalay ayaa madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug wuxuu sheegay in madaxweynaha Galmudug dhawaan uu kusoo laaban doono magaalada Cadaado maadaama xaaladiisa caafimaad ay soo hagaageyso.

C/kariin Guuleed ayaa xaalad caafimaad oo deg deg ah loo qaaday maalmo ka hor dalka India, kadib markii xanuun uu kusoo kacay.

Maamulka Galmudug ayaa ilaa iyo hadda aanan sheegin sida loo qabtay C/kariin guuleed.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com