Maxaa ku qornaa warqaddii dalab ee wasiiradii waqtigooda dhamaaday ay u gudbiyeen Kheyre?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiradii hore ee Xukuumadii waqtigeeda dhamaaday ee Cumar Cabdirashiid ayaa waraaq codsi ah u geeyey Ra’isul wasaaraha cusub iyagoo ka dalbaday inay dowladda cusub siiso mushaaraad ay sheegeen inay ku leeyihiin dowladii waqtigeeda dhamaaday.

Wasiiradaan ayaa la dhawaajiyey inaysan mushaar qaadan muddo bilooyin ah sidaas darteydna waxay go’aan ku gaareyn inay sameystaan urur ay ku mideysan yihiin si ay u raadsadaan xuquuqda ay ka dhawaajiyeen inay ka maqan tahay.

Ururkaan ayaa sameystay guddi kooban oo dowladda cusub kala hadli doono qaabka ugu fudud oo ay dowladda uga heli karaan mushaaraadka bilooyinka ah ee ka maqan.

Waxay sheegeen in ra’isul wasaaraha cusub ay u gudbiyeen codsigooda ku aadan xaquuqda ka maqan , waxaana ya tilmaameen inay heystaan balan qaad ku aadan helidda mushaaraadka ka maqan.

Si aysan u dhicin inay kala qeybsamaan ayey wasiiradaan u sameysteen ururkaan ay ku mideysan yihiin waxaana ka go’an inay dowladda cusub ka helaan mushaarka ka maqan.

Warar hoose ayaa sidoo kale sheegayo in guddiga ay dirsadeyn wasiiradii hore ay Ra’isulwasaaraha kala hadli doonaan sidii iyagana loo siin lahaa wasiiro balse lama ogo sida uu u aqbali karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com