Maxaa laga filan karaa MUKHTAAR Roobow Cali?

MUKHTAAR ROOBOOW CALI ‘ABUU MANSUUR’: oo 53 jir ah, kuna dhashay Xudur, Bakool, ayaa waxaa Dowladu u magacayday mas’uuliyad culus.

Haddaba, ABUU MANSUUR WAA KUMA?

1990 wuxuu ka qalin jabiyey kulliyadda shareecada islaamiga ee Khartuum, Suudaan. Wuxuu muddo u shaqaynaayey Hay’ad Sacudiga laga lahaa oo layiraahdo Harmain Foundation oo carruurta agoonta ah wax- bari jirtay, markii danbana lagu eedeeyey inay carruurta barayso fagradaha xag-jirnimada ( aragtida Alshaabka).

Mukhtaar Rooboow, wuxuu dalka ka haajirey 2000, asagoo dagaal inuu ka qaybqaato u aaday dalka Afghanistan, si toos ahna u galay buuraha dhaadheer ee TORA-BORA, muddana ka dagaalamaayey. Wuxuu kaloo qayb ka ahaa asagoo sarkaal sare oo TALABAN ka tirsan qaraxyo ka dhacay Kandahar iyo Jalilibad oo ay ku naf-waayeen boqolaal qof oo shicib ahaa, wuxuu kaloo ka mid ahaa guluf dagaal oo lagu qaaday koox sama-falayaal ahaa oo mucaawimo u waday gobol Go’doon ahaa ee Herat Afghanistan. 

Intaa kadib waxaa lagu daray liiska madow ee Argagixisada, waxaana madaxiisa la dul dhigay malaayiin Doolar.

Wuxuu Somaliya kuso laabtay asagoo wax naxdin ah qalbigiisa aysan ku jirin, sida dadka loo gumaado ama loo xasuuqo kuso takhasusay.

Markii uu dalka yimi danbiyadii uu ka galay ama xasuuquu qaybta ka ahaa waxaa ka mid ahaa:

Murugadii xasuuqii Hotel SHAAMOW, 2009, waa halaagii ugu xumaa ee waqtigaa xamar ka dhacay arday masaakiin ah oo qalin jabinaysay, baratayna siday dadka u daaween lahaayeen, waalidkood oo dan yar ahaana muddo naf iyo maal u huray ayaa ku naf-waayey, waxaa kaloo halkaa si arxan-darro ah loogu dilay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen:

  • Qamar Adan Cali, wasiiraddii caafimaadka.
  • Pro. Ibrahim Xasan Cadow, wasiirkii tacliinta sare
  • Axmed Cabdulahi Waayeel, wasiirkii waxbarashada iyo dad badan oo goob-joogayaal ahaa. Maalintaa madoobayd, dhowr saacadood ka dib waxaa hadlay Mukhtaar Rooboow, asagoo faraxsan una hadlaaya AL-SHABAAB, sheeganaya inay laayeen dhiigoodana daadsheen dadkaan cidna danbi ka galin, wuxuuna ku tilmaamay MURTIDIIN gaala ah, dhiigooduna xalaal yahay.

Haddaba, sidee ku timid inuu ka tago Al-Shabaab ama ka digo rogto?

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo rag la xulufo ahaa waxay istuseen inay meesha ka saaraan Axmed Cabdi Godane (Abu Zubeyr), Godane oo ka taageero badnaa ayaa ugaarsi ku billaabay Abu Mansuur iyo saaxiibadiis, dabadeedna wuxuu u baqa tagay dhulkii ay ku badnaayeen reerkiisa, cududna u ka heli karey, in muddo ahna iska caabin bu ku jiray, ka bacdina wuxuu isu-soo dhiibay dowladdii, asagoo wali ka tanaasulin mabda-uu aaminsanaa ee xag-jirnimada ahaa laakiin rumaystay inuusan helayn madaxnimada Alshabaab, ugu danbeynta ay dilayaan hadday qabtaan

Hadda, aragnay Mukhtaar Roobow qofka uu yahay laakiin su’aasha taagan baa waxay tahay dilkii, xasuuqdii ummad muslim ah ma waxaa loogu abaal guday darajo sare?

Muslim miyaan dadku ahayn? Yaa mas-uuliyadeeda qaadanaya dhiiggii daatay?

Mukhtaar Rooboow Cali ( Abuu Mansuur) sidee loo amini karaa, ninka danbiga intaa le-eg galay, walina aan ka taasulin wuxuu shalay rumaysnaa?

W/Q: Mahamud J. Farah
U.S.A
mahamudjfarah@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.