Maxaa nooga baxay hadalkii madaxweyne Qoor-Qoor?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa baaq u diray madaxda dowlad goboleedyada ka maqan shirka dhuusamareeb-3 oo ay ku ballan sanaayeen madaxda Dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Madaxweyne Qoor-qoor oo habeen ka hadlau Dhuusa Mareeb wuxuu sheegay in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee ka maqan shirka ay ku han weyn yihiin iney ku soo biiraan kulanka ka socda Dhuusamareb.

Qoor-qoor ayaa sheegay in wixii jira madasha lagu dhammeyn karo, balse farriimo hawada la iisu mariyo aysan xal u noqoneyn xaaladda dalka Soomaaliya uu haatan ku sugan yahay, wixii kala duwanaasha ee jirana wadahadal lagu dhammeyn karo, isaga oo sheegay inuu furmay wajiga koobaad ee shirka dhuusamareeb-3.

“Walalayaal waa idin sugeynaa, noo imaada, shirka inaa ka soo qeyb gashaan ayaa rajeynayaa, ayna tixgeliyaan oo ay qadariyaan gogosha reer Galmudug”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Haddaba, arrimaha ku gadaaman shirka dhuusamarebe-3 ee ay ballansanaayeen madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwo federaalka iyo isfaham la’aanta madaxda soo kala dhex gashay maxaa lagu micneyn karaa? Shir se ay ka maqan yihiin labada dowlad goboleed maxaa ka soo bixi kara?

Dr Max’ed Axmed Shekh Cali oo ka faallooda arrimaha siyaasadda oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay “inuusan u maleynaynayn in qolyaha Dhuusamareeb joogo ay rajo ka qabaan in haddii aysan shirka ka soo qeyb gelin hogaamiyeyaasha Punland iyo Jubaland ay wax miradhal ah ka soo baxaan shirka.”

“Anigoo ka duulaya hadalka madaxweyne Qoor-Qoor, weli waxaa muuqata rajo ah in madaxda labada maamul goboleed ay ka soo qeyb galaan shirka ayna weli furantahay gogosha.”

Maxaa lagu macneyn karaa baaqyada kala duwan ee ay soo jeediyeen Puntland iyo Jubaland kuwaas oo ku aaddan in shirka Dhuusamareeb ay Beesha Caalamka ka soo qeyb gasho?

“Waxaa lagu macneyn karaa iney jirto kalsooni darro ay ku qabaan madaxweynaha, sababtoo ah kaddib markii la laabtay shirkii Dhuusamareeb 2 waxaa dhacay falal ay ka mid ahaayeen in raysal wasaarihii la riday, waxaa dhacday in guddigii farsamada ee lagu ballansanaa iney Dhuusamareeb ku shiraan aysan ku shirin.”

“Waxaa kaloo dhacday in madaxweyne Farmaajo uu soo maray baarlamaanka uuna u ballan qaaday in waxkastoo ka soo baxo shirka Dhuusamareeb ay go’aanka ugu dambeeya iyaga leeyihiin, waxyaabahaasi oo dhan waxay abuureen dareen ah in Farmaajo uu doonayo inuu arrinta ku socodsiiyo sida isag uu wax u rabo.” ayuu yiri Max’ed Axmed Shekh Cali oo BBC-da u warramay.