Maxaa Saaka kusoo kordhay xaalada magaalada Gaalkacyo Heshiiska cusub kadib

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa saaka degan xaalada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo labadii maalin ee lasoo dhaafay uu ka dhacay dagaalo qaraar oo khasaare badan geystay.

Dagaaladii socday maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Dadka deegaanka ku ah goobaha uu dagaalka xoogiisa ka socday ayaa goordhow inoo xaqiijiyay in Jawiga uu yahay mid degan isla markaana aan la maqleyin wax rasaas ah.

Ciidamada labada dhinac ayaa weli isku hor fadhiya goobihii ay ku dagaalameen, waxaana suuragal ah in daqiiqad walba uu dagaalku dib u qarxo.

Qoysaskii ku harsanaa magaalada ayaa weli wada barakac ka dib markii ay ka quusteen Dagaalka sii socda.

Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia oo shalay gaaray deegaanada Puntland ayaa waxa uu Heshiis kala dhex dhigay labada maamul.

Ma cadda in Heshiiskaasi uu dhaqan gali doono iyo inuu la mid noqon doono kii maalmo ka hor lagu wada gaaray magaalada Abu Dubai.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com