Maxaa xal u ah boobka ku socda doorashada dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dunida kale waxay eegayaan waxa ka socda Soomaaliya, shacabka Soomaaliyeed waxuu xaalkoodu marayaa “Allow dhan u bixi” balse siyaasiyiinta ayaa jilaya ruwaayad natiijadeeda lasii ogyahay sida ay ku dhamaaneyso, waana boobka doorashada.

Wey adag tahay in Faallo lagu soo koobo heerka uu gaaray boobka lagu hayo doorashada Soomaaliya ee masiirka malaayiinta qaran iyo qurba joogta leh, balse aan soo yara koobno dhacdooyinka boobka muujinaya iyo laba geesoodka uu ka socdo daadka la raacsiiyay aftidii shacabka.

Kahor dhammaadka muddo xileedkii madaxda wali joogta, 2020-kii waxaa lagu hungoobay qabashada doorasho dadweyne – qof iyo cod ah oo dalka laga qabto, taas badalkeed waxaa 17-kii September la ogyahay inuu soo baxay heshiiskii caanka baxay ee doorashada dad-badan, kaas oo isku bedelay doorashada boobka ah ee maanta socta.

Waagaas dad badan oo caqli u saaxiib ah waa sii ogaayeen in ay adagtahay isfahan doorasho xalaal ah oo ka yimaada laba geesoodka isku heysta siyaasadda oo kala ah muxaafid iyo mucaarad, taas waxaa sii xoojisay maamul goboleedyada dalka oo labada geesood kala jiray – laba toos loogu tiirinaayay in ay mucaarad ku yihiin madaxda federalka iyo seddax in ay taabacsanyihiin loo xisaabiyay.

Waxay keentay in doorashada oo inta ugu badan ka dhaceysa maamul goboleedyada ay ku bilaabato boob, kuma ekeyn oo kaliya Aqalka Sare sida ay dadka qaar filayeen, balse waxaa xulasho iska soo horjeeda noqotay dhamaan doorashadii xildhibaanada BFS oo hadda kala bar ku dhaw, inta la soo saaray.

Shaki kuma jiro in sababta boobka iska soo horjeeda ay tahay in la boobo guud ahaan talada dalka. Waxaana isku heysta oo kala boobaya madax hadda joogta, kuwo horay dalkaan u soo maamulay iyo madaxda maamul goboleedyada oo mid walba damac gaar ah uu ku jiro.

Mar haddii boobka doorashada Soomaaliya uu noqday wax aan laga cabsan, laga xishoon, laga gamban, oo baarlamaanka la soo geliyay rag horay ugu caan baxay dhacdooyin aan la mahdin, iyo dabeecado ka fog dowladnimada, dhalinyaro aan caqliga ka qaan gaarin iyo rag loogu soo saaray ku jebinta rag kale, oo waxa Soomaalidu u taqaan rag iska celis laga dhigay taladii dalka, sow ma muuqato in loo baahan yahay ka fekerka waxa xal u noqon kara doorashadaan boobka ku socta ee u muuqata in ay sidaan ku dhamaaneyso.?

Mar haddii xaaladdu taagan tahay xagee la maraa, ma sahlana wadadu, waxaase jirta in qof walba uu si u arko xalka. In baarlamaanka 11-aad ay soo galeen dadka aan la wada soconno, haddana ay kursiga ugu sareeya doonayaan musharaxiin iska soo horjeedda oo waliba aad isku neceb, kuna koobneyd mucaaradnimo oo kaliya, waxaan la huri doonin in bulshadu ka fekerto badbaadinta Qaranka.

Qarankaan hora u jabay oo doorashadiisa la boobay, waxaa hada ku soo wajahan doorashadii madaxtinimada oo haddii aan laga fiirsan dhali karta xaalad xun oo dhulka la gasha dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa na sugeysa kala doorashada in ay xaaladdan iyo mid ka daran sii socto iyo in la daba qabto hambada yar ee ku hartay dowladnimada Soomaaliya.

Maanta inta badan waxaa noo muuqda musharaxiin is neceb oo xitaa ay adag tahay in midkii guuleysta ay aqbalaan inta kale, waxaa kale oo noo muuqda in baarlamaanka hadii aanu imaan qof isku wada kara, uu noqon doono goob lagu dagaalo, aag lagu kala xirto, la isuguna dhex hanjabo.

Gunaanadka waxaa talo iyo aragti looga baahan yahay muwaadin kasta, waxaase jirta in ragga is haya ee mucaarad iyo muxaafid leh uusan maanta midkood ka muuqan awoodda isku wadidda dowladnimada curdunka ah ee Soomaaliya, mar hadii lagu kala qeyb sami karo natiijada ugu dambeysa ee cod bixinta.