Maxaa kala socotaa shirka Somalia ee Denmark iyo qorshaha laga lee yahay?

Copenhagen (Caasimada Online) – Denmark ayaa Copenhagen ku martigalin doonta Madasha Heerka Sare ee Caaliga ah ee Shuraakada Soomaaliya inta u dhexeeysa 19-20-ka November, sidaana waxa Khamiistii (2-dii October) ku dhawaaqay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Kulankan heerka wasiir, oo ay wada-guddoomin doonaan xukuumadda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, ayaa looga golleeyahay in la isugu keeno illaa iyo 60 ergo caalami ah, oo ay ku jiraan waddamo ajnabi ah iyo ururro aan dawli aheeyn, si ay uga shaqeeyaan sidii looga gun gaari lahaa higsaha ah in la gaaro Soomaaliya oo noqota dal nabad ah, xasilloon oo dimuqraaddi ah.

Kulanka ayaa daba socda shirkii Qorshaha Cusub ee lagu qabtay Brusseles September 2013-kii.

Wasiirka Ganacsiga iyo Iskaashiga Horumarinta Denmark Mogens Jensen ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dalkiisa uga go’antahay in uu taageero horumarka Soomaaliya.

“Denmark waxay diyaar u tahay in ay Soomaaliya iyo beesha caalamka kala shaqayso sidii dadka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa natiijo wax ku ool ah,” ayuu yiri. “Soomaaliya waxay u baahan tahay dib-u-dhis lagu sameeyo xarumaha caafimaadka, dugsiyada iyo waddooyinka.”

Caasimada Online
Xafiiska Copenhagen
Caasimada@live.com