Warbixin: Maxaad kala soctaa qilaafka siyaasadeed ee ka taagan Sh/Dhexe?

Muqdisho (Caasimada Online)– Warka laga helaayo Gobalka Shabeelada Dhexe, ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka taagan yahay Maamulka G/Sh/Dhexe kaasi oo ka dhashay isbedel lagu wado in halkaasi laga sameeyo.

Wararku waxa ay tilmaamayaan in Khilaafka uu ka dhashay xil ka qaadis lala damacsan yahay Guddoomiyaha G/Sh/Dhexe Cabdi Jiinow Calasoow, waxaana la sheegayaa in Jiinow uu ka biyo diidan yahay inuu xilkaasi wareejiyo.

Jiinow waxa uu ku adkeysanayaa in Xilka Gobolka uusan xiligaani wareejin doonin waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Wareegtada lagu magacaabay Guddoomiyaha lagu bedelaayo Jiinow ay soo baxday, balse laga cabsanaayo in arrinta ay faraha kasii baxdo, waa haddii aan la xalin arinta Khilaafka.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa waxa uu isagu Cabdi Jiinoow ku wargaliyay in xil ka qaadis lagu sameynaayo, islamarkaana Booskaasi loo magacaabi doono Axmed Mayre Makaraan ‘’Axmed Faal’’ oo horay u ahaa Guddoomiyaha Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Xassan Sheekh ayaa waxa uu Magaalada Muqdisho ugu yeeray Eng Cabdi Joonow Calasoow si xal looga gaaro diidmada uu ka muujinaayo Jiinow in xilka Gobolkaasi laga qaado, inkastoo ay wararku sheegayaan in Jiinow uu ka biyo diiday in xilka laga qaado loo magacaabo Axmed Faal.

Guddoomiyaha lagu wado in lagu bedelo Eng Cabdi Jiinow oo lagu magacaabo Axmed Faal, ayaa waxa uu u dhashay Beesha Maxamed Muuse wacbuudhan abgaal, waxaana loo arkay inuu buuxin karo Booska loo magacaabayo, sida ay inoo xaqiijiyeen illo wareedyo ku sugan Madaxtooyada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com