Maxamed Bin Salmaan oo loo magacaabay ra’iisul wasaare

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha awoodda badan ee Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa loo magacaabay ra’iisul wasaare, xilkaas oo ah mid caadiyan uu hayo boqorka, waxaa sidaas lagu sheegay isku shaandheyn dhacday Talaadadii.

Tallaabadan ayaa rasmi ka dhigeysa awood horey gacanta ugu jirtay Amiir Maxamed, kaasi oo sanado badan ahaa hoggaamiyaha dhabta ah boqortooyada, sida ay sheegeen fallanqeeyayaasha. 

Madaxda kale ee wasaaradaha muhiimka ah sida; arrimaha gudaha, dibedda iyo tamartka ayaan isbeddel lagu sameyn, sida ku cad dikreetada Boqor Salmaan oo ay daabacday wakaaladda wararka rasmiga ah ee Saudi Press Agency.

Amiir Maxamed oo 37 jir noqday bishii tagtay, ayaa ahaa qofka sugaya inuu aabihiis ka beddelo xilka boqorka tan iyo 2017.

Sacuudi Carabiya ayaa sanadihii ugu dambeeyey isku dayeysay inay beeniso wararka ku saabsan xaaladda caafimaad ee boqorka 86 jirka ah, oo dalka saliidda hodanka ku ah xukumayey tan iyo 2015.

Sanaddii 2017, waxay ku gacan sayrtay warbixino ku saabsanaa in boqorka uu qorsheynayey inuu ka dego xilka kuna wareejiyo wiilkiisa Amiir Maxamed.

Boqor Salmaan ayaa isbitalka la dhigay laba jeer sanadkan, waxaana u dambeysay bishii May oo uu toddobaad ku sugnaa ayada oo tijaabooyin looga sameeyey mindhicirada, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Amiir Maxamed ayaa noqday wasiirka difaaca 2015, taasi oo aheyd tallaabo muhiim u ah inuu xajisto awoodda. 

In dhaxal-sugaha laga dhigo ra’iisul wasaare waa tallaabo aan caadi aheyn, balse horey waa ay u dhacday. 

Sanadihii 1950-meeyada Amiir Faysal Al-Sacuud ayaa noqday ra’iisul wasaare, wuxuuna la wareegay maamulka howlaha dowladda, taasi oo ugu dambeyn hoggaamisay loolan awoodeed oo natiijadiisu noqotay in Boqorkii xilligaas Sacuud uu xilka ka dego.

Hase yeeshee xaaladdan ayaa ah mid ka duwan, “oo rasmi ka dhigeysa xaalad muuqatay,” waxaa sidaas yiri Ali Shihabi, oo ah fallanqeeye Sacuudi ah oo ku dhow dowladda. 

“Waxay aheyd mid xaqiiqdii soo daahday, maadaama uu sanado badan ahaa madaxii fulinta ee howlaha boqorka,” ayuu yiri Shihabi. 

Dhaxal-sugaha “mar hore ayuu soo maray marxaladda loolankii awoodda wuuna ku guuleystay, marka waxa hadda dhacaya waa in rasmi laga dhigayo awooddiisa,” waxaa sidaas yiri Umar Karim, oo khabiir ku ah siyaasadda Sacuudiga, kana tirsan Jaamacadda University of Birmingham.

Tallaabadan waxay sidoo kale xalin kartaa su’aalo baratakool, maadaama Amiir Maxamed uu sanado badan la kulmayey madaxda dalal, inkasta oo darajadiisa rasmiga ay aheyd wasiir difaac, ayuu yiri Karim.

Amiir Maxamed ayaa waxaa xilka wasiirka difaaca ka beddelay walaalkiis ka yar Khalid bin Salmaan, oo ahaa wasiir ku-xigeenka difaaca.