Maxay ka dhigan tahay darajada ciidanimo ee loo soo celiyey Saadaq Joon?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon) dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Booliska Soomaaliyeed, kaas oo uu horey uga xayuubiyey Farmaajo.

Haddabada Maxay ka dhigan tahay darajada ciidanimo ee loo soo celiyey Saadaq Joon?

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in Saadaq Joon uu dib u helo darajadiisa ciidanimo ay ka dhigan tahay ‘Caddaaladda oo si tartiib-tartiib ah dib ugu soo laabatay’ sida uu hadalka u dhigay.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in markii horeba si xaq-darro ah looga xayuubiyey darajooyinkii iyo Xuquuqdii Ciidanka Booliska Soomalaiyeed.

Sidoo kale wuxuu hambalyo u diray Jenaraal Saadaq Joon oo hadda ah xildhibaan ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ee laga soo doortay Galmudug.

“Waxa aan rabaa in aan u hambalyeeyo halkaan Caddaalad u soo laabatay Gen. Saadaq Joon oo ah Xildhibaanka Saaxiibkeen ah oo dib ugu soo laabatay derajadiisa sida dambiga ah ee xaqdarrada ah looga qaaday markii uu kahor yimid dulmigii dalka ka jiray,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladda federaalka ah Soomaaliya ay ku dadaali doonto sidii qof weliba oo ay ka luntay cadaaladdii dib loogu soo celin lahaa xuquuqdiisa.

“Waxa aan rajeyneenaa in qof weliba caddaaladdii luntay oo dhan in tartiib-tartiib dib loogu soo celiyo ayaan rajeyneenaa” ayuu raaciyey wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Si kastaba, madaxweynihii hore ee Somalia, Farmaajo ayaa Saadaq Joon ka xayuubiyey darajooyinka iyo dhammaan xuquuqdiisa ciidanimo, kadib markii uu ku baaqay in dalka doorasho loo jiheeyo, xilligaas oo ii Farmaajo ku mashquulsanaa mudo kororsi 2 sano ahaa.