Maxay ka dhigan tahay magacaabista ROOBOW?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxii hore ee hay’adda cilmi-baarista Heritage, Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa ka hadlay magacaabista golaha wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya, kadib markii uu shalay ku dhowaaqay ra’iisul wasaare Xamza.

Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo isagoo ku sugan Muqdisho u warramay VOA ayaa marka hore shaaca ka qaaday in xubnaha la magacaabay ay isugu jiraan kuwa cusub iyo kuwo horey uga tirsanaa dawladihii dalka soo maray, muddana ku soo jiray arrimaha siyaasadda dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay xilalka iyo wasaaradaha la shaaciyey in aysan ka duwaneyn wasaaradihii hore, inkastoo ra’iisul wasaaraha uu xukuumaddiisa ugu magac daray Dan Qaran.

“Xilalka wasaaradaha kama duwana wasaaradihii hore wasaarado cusub hadda ma muuqdaan dadka la magacaabay waxay u badan yihiin dad xildhibaanno ah oo siyaasadda muddo ku jiray, inkastoo magacyo cusubna ay ku jiraan runtii waxaa moodaa sida uu ra’iisul wasaaruhu yiri Xukuumad Dan Qaran in dad hadda dowladdii meesha laga saaray dadkii ka saaray oo kala duwanaa inay ka soo dhex-muuqdaan in badan oo ka mid ah, maamul goboleedyadana dad laga soo doortay la siiyey wasiiro,” ayuu yiri C/rashiid Khaliif.

Hadaba Maxay ka dhigan tahay magacaabista Mukhtaar Roobow?

Madaxii hore ee hay’adda cilmi-baarista Heritage oo hadalkiisa sii wata ayaa ka warramay waxay ay ka dhigan tahay magacaabista Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo horey uga tirsanaa hogaanka kooxda Al-Shabaab, balse haatan oo laga soo daayey xabsigii uu ku xirnaa lagu abaal-mariyey wasiirka wasaarada diinta & awqaafta xukuumadda cusub.

Khaliif ayaa sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha laga yaabo in magacaabista ninkaan iyo in lagu soo daro liiska wasiirada ay ka fiiriyeeen wax ka qabashada kooxda Al-Shabaab, si loo soo kasbado saaxibadiisii hore ama inuu ka hortego fakirka kooxdaasi.

“Runtii Mukhtaar dadku baraha bulshada aadbaa loogu hadal hayey, laakiin shan sano ku dhowaad ama 8 sano waa ka maqnaa Al-Shabaab waa iyagii is dilay, kadibna saddexdii sano ee ugu dambeysay dowladda u xirnaa, isaga oo gobolka South-West u sharaxnaa, runtii wax ka qabashada Shabaabka ama soo kasbashada dadkii Shabaabka ahaa ee isaga oo kale ahaa ama yaqaanay, haddii taas looga qayb-qaadanaayo ama inuu ka hortego fikirkaas Takfiiriga ah waa dhici kartaa halkaas in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ka fiiriyeen,” ayuu yiri Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ka hadlayey magacaabista Roobow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Roobow uusan aheyn ninkii ugu horreeyey ee xil ka soo qabtay Al-Shabaab, hadane xil looga dhiibay dowladda, wuxuuna tilmaamay inay jiraan shaqsiyaad ka yimid Al-Shabaab oo xilal waa weyn ka qabtay dowladda iyo maamullada.

“Ninkii ugu horreeyey ee Shabaab ka tirsanaa oo xil kale ka hayey oo xil loo dhiibay ma’ahan oo rag kala duwan ayaa xilal waa weyn ka qabtay heer maamul goboleed xilal ka qabtay ama heer federaal oo hay’adda NISA iyo meelo kale xilal ka qabtay, marka isaga xoogaa xiridii uu dowladda u xirnaa ayaa ayaa dhici karta inay gooni ku noqoto ,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey in Sheekh Mukhtaar Roobow looga baahanyahay inuu qanciyo dadka wax ka tirsanaya, sidoo kalena uu kasbado shacabka Soomalaiyeed.

“Marka dadka haatan waxaa dhici karta inay ka shakisan yihiin ama cuqdad inay u qabaan qaar kalena ay wax weyn ka sugayaan, marka isagana waa looga baahan yahay dadkaas sidii uu u qancin lahaa ama u kasban lahaa uu ka fakiro” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Si kastaba, dad badan ayey la-yaab ku noqotay markii ay arkeen Mukhtaar Roobow oo safka hore uga jira liiska wasiirada la magacaabay ee xukuumadda cusub, kaas oo muddo ka badan saddex sano iyo bar xabsi ku jiray, kadib markii ay dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ka soo xirtay magaalada Baydhaba bishii December ee 2018-kii.