QM iyo Midowga Afrika oo war ka soo saaray dagaallada gobolka SH/HOOSE

Muqdisho(Caasimada Online) – Wakiilka Xoghayaha guud ee  Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Ka hadlay dagaalada muddada badan ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose.

Mr Kay ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay dadaalka ra’iisul wasaaraha dalka uu ka wado xaalada gobolka Shabeelaha Hoose, isagoo sheegay inay wanaagsan tahay in wasiiro loo diro gobolkaasi.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya gobolka Shabeelaha Hoose in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka islamarkaana miiska wadahadalka la isugu yimaado.

Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobe mar walbaa ay diyaar la tahay taageerada ay siinayaan shacabka iyo dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale wakiilka midowga africa ee Soomaaliya Maxamed Salah Annadif ayaa dhankiisa qoraal kasoo baxay wuxuu ku cambaareeyay dagaalada dhanka qabiilka ku saleysan ee ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose.

Wuxuu ku taliyay in dagaalka la joojiyo oo dhinacyada dagaalamaya ay ka fakaraan waxyeelada soo gaari karta shacabka ku dhaqan gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com