Koonfur Galbeed oo xog ka bixisay xiisadda cusub ee M/Goboleedyada iyo DF?

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda Koonfur Galbeed, Mudane Axmed Maxamed Xuseen oo la hadlay VOA ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey waxa ay salka ku heyso xiisadda cusub ee haatan ka dhex qaraxday wasaaradaha maaliyadda dowlad goboleedyada dalka iyo sidoo kale tan dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda, Dr. Cilmi Maxamuud uu isku gooni yeelay howlihii ka wada dhaxeeyey wasaaradaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed, isla-markaana uu ka baxay heshiisyadii u dhexeeyey labada dhinac.

Axmed Maxamed ayaa sidoo kale xusay in wasiirka cusub marka uu yimid xafiiska uusan dareen siin dowlad goboleedyada, taasi bedelkeedana uu ku mashquulay arrimo kale.

“Waxa aan walaac ka qabnaa hannaanka wada shaqeyn ee dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda oo dhinac martay hannaan lagu shaqeynayay oo lagu heshiiyay, wasaaradaha maaliyadda kama shaqeeyaan siyaasadda, balse waxa ay xoogga saaraan hagaajinta maaliyadda iyo deyn cafinta” ayuu yiri wasiirka u hadlay K/Galbeed.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey wasiirka wasaaradda maaliyadda inuu bilaabay gacan bidixeyn isagoo aan weli shaqada la qabsan, uuna ka baxay xeyndaabkii wada- shaqeynta.

“Isaga oo aan shaqada la qabsan ayuu gacan bidixeys ku sameeyay Dowlad-Goboleedyada, waxaa jira heshiisyo qoran oo gudaha & dibadda aan kula galnay Dowladda Federaalka” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay wasiirka maaliyadda maamulka Koonfur Galbeed.

Xiisaddaan ka dhex qarxaday dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ayaa ku soo aadeyo, xilli horey u jiray mad-madow soo kala dhex-galay labada dhinac, kaas oo ka dhashay dhismaha dowladda cusub, gaar ahaan xukuumadda oo ay saluug xoogan ka muujiyeen qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, sida Koonfur Galbeed iyo Puntland.