Maxay tahay warbixinta Xasan Sheekh iyo Xamsa Barre uga timid Hantidhowrka? +Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa galabta loo soo gudbiyey warbxin ku aadan howlaha la xiriira dhismaha hay’adda xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed ee (SICPA) iyo doorkeeda shaqo.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa warbixintaas ka dhagaystay Hantidhawraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) iyo xubno ka tirsan hey’adda xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed ee (SICPA).

Madaxweyne Xasan ayaa kulanka lagula wadaagay muhiimadda ay dalka u leedahay dhismaha hay’addaas oo door muhiim ah ka qaada karta soo saaridda xisaabiyeyaal la aqoonsanyahay oo xirfad sare leh.

Xisaabiyeyaashaan ayaa qayb ka noqa doona dadaallada sare loogu qaadayo hannaanka maaraynta nidaamka maaliyadeed, shaqo abuurka, hufnaanta hay’adaha maaliyadeed, dhiirigalinta maalgashiga shisheeye iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhankiisa tilmaamay in la dardargaliyo dhammaystirka dhismahaha hay’adda, isagoo xusay baahida loo qabo xisaabiyeyaal xirfad leh, maadaama dalku uu ku jiro xaalad dib u soo kabasho iyo horumar dhinacyo badan taabanaya,” ayaa lagu yiri qoraal ay kulankaas ka soo saartay Villa Somalia.