Maxkamada sarre oo ‘ayiday’ qorshihii MUUSE BIIXI

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa soo saartay go’aan ay ku ayideyso qabsoomida doorashooyinka, kaasi oo qorshaheeda dabada ka riixayo madaxweyne Muuse Biixi, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in doorashada golaha wakiilada ee soo socota lagu galo saami-qeybsigii hor ee 2005-tii, midaasi oo ay hore uga hor-yimaadeen qaar kamid ah beelaha Somaliland.

Madaxweyne Biixi iyo xisbiyada mucaaridka ayaa hore iskula qaatay in doorashooyinka la galo, iyada oo aan wax ka badal lagu sameyn saami-qeybsiga kuraasta golahaasi.

Kadib xiisad hor leh oo arrintaasi ka dhalatay Muuse Biixi ayaa maxkamadda sarre u gudbiyay ka go’aan gaarideeda, iyada oo muddo yar kadib ayiday qorshihii uu Biixi hore ugala heshiiyey xisbiyada mucaaridka.

Qaraarkaasi ay Maxkamadda sare soo saartay, iyadoo ka jawaabaysa codsigaasi uu u gudbiyey madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhabada u xaadhaya in bilaa saami-qeybsi lagu galo doorashada golaha wakiilada iyo doorashada goleyaasha deegaannada oo isku sidkan, oo loo muddeeyay inay qabsooman sannadka dambe ee 2021.

Go’aanka maxkamadda ayaa waxa hore natiijadiisa shaki badan uga muujiyeen siyaasiyiin reer Somaliland, kuwaasi oo qabay in maxkamaddaha Somaliland ay noqdeen kuwo fuliya rabitaanka Madaxtooyada.

Hoos ka aqriso go’aanka maxkamadda oo dhameystiran: