Frank McLintock: Arsene Wenger weligiis lacag badan kuma soo iibin doono xidig weyn.

Frank McLintock ayaa u sheegay taageerayaasha Arsenal inay iska iloobaan in Gededa Emirates Stadium ay ku arkaan ciyaaryahan lagu soo iibshay lacag fara badan.

Saxaafada ayaa soo jeedineysay in Gunners ay tababarahooda  Arsene Wenger gacanta ka saartay 35 milyan oo ginni, taasoo uu Janaayo kula soo wareegi doono xidig weerarka ka ciyaara.

Laakiin Halyeeygii hore ee Highbury McLintock ayaa cadeeyey Siyaasada Wenger, inuusan hal ciyaaryahan kusoo iibsan doonin lacag intaas dhan.

“Waxaa jiray warar ay saxaafadu qoreysay maalihii lasoo dhaafay in Arsene Wenger uu 35 milyan kusoo iibsan doono weeraryahan laakiin uma maleynaayo inuu weligiis sidaas sameyn doono,” ayuu yiri Frank McLintock.

Arsenal ayaa lala xiriirinaayey inay Janaayo lacag badan u huri doonto xidiga aadka loogu qiimeeyo weerarka ee Radamel Falcao.