Lionel Messi ayaa sheegay inaysan qorshaha ugu jirin inuu ku biiro Paris Saint-Germain wuxuuna daaha ka qaaday inuu ku faraxsan yahay nolosha Barcelona.
Kabtanaka xulka Argentina ayaa isniintii cadeeyey inuu ku riyooyano inuu xirfadiisa ciyaareedka ku dhameysto Barca, isagoona aan dheg jalaq u siin dalabka uga imaanaya kooxda ciyaarta Ligue 1 oo aruursaneysa ciyaartoyda caalamka ugu caansan.
“Qorshaha duufsashada Paris Saint-Germain? Maya, maya! Waxaan ciyaartoyda ugu fiican isla joognaa Barcelona. Waxaan xilli ciyaareed walba dagaalanaa koobab,” ayuu Messi u sheegay France Football.
“Barcelona waa magaalo qurux badan Barca-na waa kooxda kor iisoo qaaday. Daacad ayaan u ahay kumana fikirin inaan ka tago Barcelona.”
W/Q: Ahmed Jaangoan
E-mail: jangoan@hotmail.com
Mogadishu , Somalia.