Lionel Messi oo ka fariistay xulka Argentina kadib guuldarro culus

CIYAARAHA – Lionel Messi ayaa rigoore qasaariyey iyadoo Chile ay ku garaacday Argentina goolku-laadyo isla markaana ay sannadkii labaad oo xiriir ah ka qaaday koobka qarni jirsaday ee Copa America 2016 iyadoo 120 daqiiqo ay wax gool ah iska dhali waayeen labadaan xul.

Messi ayaa hawada mariyey rigooradiisii ka dib markii ay labadaab xul ku dhammeysteen min 10 ciyaaryahan kulan 120 daqiiqo la ciyaaray, sidoo kale Lucas Biglia ayaa laga qabtay rigooradii uu u gamay Argentina taasoo keentay inuu Francisco Silva dhaliyo rigooradii guusha ee xulka Chile oo 4-2 uga badiyey Argentina isla markaana koobkaan difaacday.

Sergio Aguero ayaa sidoo kale fursado wanaagsan ka qasaariyey xulkiisa intii lagu jiray waqtigii caadiga ahaa ee ciyaarta iyo waqtigii dheeriga ahaa ee kulankaan, goolhayaha xulka Chile Claudio Bravo ayaana fursadahaas cajiibka ah ka badbaadiyey xiddiga kooxda Manchester City.

Laakiin 23ka sanno ee aysan Argentina ku guuleysan koob weyn ayaa sii soconeysa iyadoo Messi uu ciyaaray laba maalin ka dib dhalashadiisii 29aad isagoo aan weli xulkiisa u qaadin koob weyn, xiddigaan lumiyey Koobkii Adduunka sannadkii 2014kii, ayaana ciyaartaan ka dib ku dhawaaqay inuu ka fariistay guud ahaanba ciyaaraha caalamiga ah.

Waxaa xusid mudan inay kulankaan usoo daawado tageen 82 kun oo taageereyaal ah, waxaana daqiiqadii 28aad ee ciyaarta casaan loo taagay laacibka xulka Chile Marcelo Diaz ka dibna Argentina ayaa casaan laga siiyey daafaca dambeedka bidix ee Manchester United Marcos Rojo daqiiqadii 48aad.