Meydad badan oo weli laga daad-gureynayo hotel Nasa-Hablood 2?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Hoteel Naasa-Hablood 2 ayaa sheegaya in halkaa laga soo saarayo Meydad dhowr ah kuwaa oo kamid ahaa dadkii lagu dhex heystay gudaha Hoteelka.

Meydadka ilaa iyo hadda laga soo saaray gudaha Hoteelka ayaa la xaqiijiyay inay gaarayaan 9 Meyd oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsanaa dowlada.

Meydadka saaka laga soo saaray Hoteelka ayaa waxaa ku jiray afar dhalinyaro kuwaa oo ay rasaasta uga tiilay qeybaha sare ee jirka, halka kuwa kale loo badinaayo inay ku baxeen Qaraxyadii ay maleeshiyada ka dhex fulinayeen gudaha Hoteelka.

Meydadka qaar ayaa ah kuwo gogo’ay isla markaana uu isbedelay muuqaalkooda, waxaana lasoo sheegayaa in dhammaantooda loo qaaday Isbitaalka Madiina.

Waxaa jira Meydad laga soo hoos bixinaayo dhag-xaanta hoostooda kuwaa oo ay kusoo dumeen gidaarada Hoteelka, waxaana xusid mudan inay ku jiraan dadkaasi Haween iyo Caruur.

Sidoo kale, gudaha Hoteelka ayaa waxaa weli ku jira Meydad kale, balse waxaa socdo wali baaritaano lagu baadi-goobaayo Meydadka.

Dhinaca kale, Hoteelka ayaa waxaa ka muuqda Burbur xooggan , waxaana guud ahaan si weyn isku badalay Jawiga Hoteelka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com