Arag Michael Ballack oo soo afjaray waayihiisii ciyaareed ee Kubada Cagta.

Michael Ballack ayaa soo afjaray xirfadiisa ciyaareed. Kabtankii hore ee xulka Germany ayaa maanta ku dhawaaqay inuu soo gaba-gabeeyey xirfadiisa isagoo jira da’da 36. “Anigoo ah 36 jir ayaan dib u eegayaa waayaheygii ciyaareed oo qurxoonaa iyo xirfadeydii kubada cagta, taasoo aan ku riyoon jiray markii aan caruurta ahaa,” ayuu yiri Ballack, oo 5tii bishii May ee sanadaan Bayer Leverkusen u saftay kulankii 267aad ee horyaalka Bundesliga.

“Waxaan aad ugu riyaaqayaa inaan lasoo shaqeeyey ciyaarahano heer sare ah iyo macalimiin Fantastik ah. Ma filaayo inuu jiro qof aan dooneyn inuu ka hor ciyaaro 80 kun oo taageerayaal ah oo aan dooneyn inuu hortooda gool ku dhaliyo.”

Dhowaan ayaa lala xiriirinaayey inuu u ciyaarayo koox ka dhisan dalka Australia.

“Bilihii lasoo dhaafay ma jirin xiiso iisoo muuqday, si kastaba, waxaa yimid waqtigii aan soo afjari lahaa.

“Waxaan rajeynayaa inaan bilaabo nolol cusub waxaana u mahad celinayaa qoyskeyga iyo dhamaan dadkii igu taageeray, caawiyeyaashii iyo taageerayaashii. Ayaana ah kuwo qeyb ka qaatay guulaheyga.”

Wuxuu dhaawac uga haray xulkiisa Jarmalka 3dii March 2010 ciyaar ka dhacday Munich oo wadankiisu ay 1-0 uga badiyeen Argentina, wuxuuna seegay koobkii aduunka ee 2010kii ka dib markii Kevin Boateng uu ku dhaawacay ciyaartii kama dambeysta ee FA Cup ay kooxdiisa Chelsea 1-0 uga qaaday kooxda Portsmouth, iyadoona booskiisa qaranka ay dabooleen Sami Khedira iyo Bastian Schweinsteiger.

Macalinka xulka Germany ayaa diyaar u ahaa inuu ugu yeero kulankiisii 99aad iyo 100aad ee uu xirto maaliyada wadankiisa, isagoona horaan soo saftay 98 kulan.

Ballack wuxuu ciyaaray 98 kulan oo caalami ah wuxuuna xulka Germany kusoo biiray 2002dii, iyadoo uu wadalkiisa ka caawiyey inay kaalinta labaa ka galaan Koobka Wadamada Yurub European Champion 2008dii iyo kaalinta sedaxaad ee World Cup third 2006tdii.

Wuxuu usoo ciyaaray kooxdiisii ugu horeysay ee FC Kaiserslautern, Bayern Munich, Chelsea iyo Bayer Leverkusen, isagoona ku guuleystay Afar Horyaal oo Bundesliga ah, Sedax koob oo DFB-Pokals, Hal Horyaal oo Ingiriiska ah iyo Sedax FA Cup oo uu la qaaday kooxda Chelsea.

Waxaa loo aqoonsaday xidig muhim u ahaa qadka dhexe ee Dalka Germany ka dib markii uu ku hugaamiyey Nus dhamaadkii 2006dii Koobkii aduunka ee lagu qabtay dalka Germany iyo Euro 2008 oo uu dalkiisa gaariisyey Kama dambeysta laakiin ay koobka ka qaadeen dalka Spain.