Mid ka mid ah rag Muqdisho ku dilay GABAR aroosad aheyd oo la soo qabtay

Muqdisho (Caasimada online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federasalka ah ee  Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay mid ka mid ah rag habeysnaa oo habeen hore gabar aroosad aheyd ku dilay qaybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Ciidamada Booliska, gaar ahaan kuwa saldhigga Kaaraan ayaa gacanta ku soo dhigay ninka la soo qabtay oo loo haysto dilka marxuumadda, ayadoo la baadi goobayo raggii kale.

Allaha u naxariisto marxuumadda waxaa lagu magacaabi jiray Caasho Daahir Xasan, ayada oo lagu dilay xaafadda Jamhuuriya, xilli ay ka soo baxday goob Bukuyeer ah, kuna sii jeeday hoolka arooskeeda oo laga soo galbin lahaa, sida ay shaaciyeen ehelladeeda.

Sidoo kale kooxda dilka fulisay ayaa dhaawacday gabadha abtigeed oo xilligaas la saarnaa mooto Bajaaj ay la socdeen, waxaana isla goobta ku geeriyootay marxuumadda.

Kooxda hubeysan ayaa la sheegay inay aheyd burcad dhac u geysaneysay dadkaasi, waxayna dhacdadan sababtay in arooska gabadha uu isku beddelo tacsi iyo murugo.

Hidaaya Ibaarim Faarax oo dhashay marxuumadda ayaa hadal kooban siisay warbaahinta ayaa sheegtay in xaalad xanuun badan ay haatan wajahayaan, kadib geerida gabadheeda, waxayna baaq u diray dowladda Soomaaliya oo ay ka codsatay in cadaaladda la horkeeni dadkii ka dambeeyey falkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi oo sidoo kale hadal heyn xoogan ka dhalisay baraha bulshada.

Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal ammaan darri oo aad u baahsan, kuwaas oo oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo dhac loo geysanayo dadka raydika ah.