MIDOWGA AFRIKA oo ku adkeysanaya magacaabista John Mahama ee Soomaaliya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa weli ku adkeysanayaa magacaabista madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama ee ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya, kadib diidmadii ka timid dowladda federaalka Soomaaliya, waxaa sidaas weriyey wargeyska East African.

Midowga Afrika waxa uu rasmi ahaan sheegayaa inuu la-tashiyo ka sameynayo tallaabada xigta ee uu qaadayo, hase yeeshee waxa uu walaac ka muujiyey isku dayga ay Soomaaliya ku qaadaceyso go’aanka uu ururka ku caawinayo, ee markii hore uu codsaday madaxweyne Famaajo.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi, oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa wargeyska East African u sheegay in xubnaha ururka ay go’aan ka gaari doonaan arrinta Jahn Mahama.

“Arrimahan oo kale, guddoomiyaha Midowga Afrika kaligiis go’aan kama gaaro. Wuxuu kala tashadaa Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika,” ayuu yiri afhayeenka oo lagu magacaabo Zenon Mukongo, oo sidoo kale ka tirsan guddiga khubarada ah ee madaxweyne Tshisekedi kala taliya arrimaha Afrika.

“Madaxweynaha wuxuu hakiyey kulanka guddiga oo lagu waday inuu dhaco Arbacada. Mowqifka Midowga Afrika wuxuu caddaan doonaa kadib kulankan.”

Wargeyska East African ayaa ogaaday in ururka uu taageerayo Mahama, isaga oo rumeysan in isbeddel lagu sameeyo magacaabistiisa ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay ku lug yeelato cidda noqoneysa dhex-dhexaadiyaha.

Intii uu ku sugnaa magaalada Kampala oo uu toddobaadkii kaga qeyb-galay caleemo-saarka madaxweyne Museveni, madaxwene Farmaajo ayaa la kulmay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxayna ka wada-hadleen muranka ka taagan magacaabista Mahama.

Xiisadda magacaabista John Mahama ayaa salka ku haysa dowladda federaalka oo rumeysan inuu xiriir la leeyahay Kenya, halka ay sidoo kale gebi-ahaan kasoo horjeedo ergey lasoo diro, ayada oo ku doodeysa in ra’iisul wasaare Rooble uu qaatay doorka xal u raadinta is-mari waaga siyaasadeed.

Hase yeeshee mucaaradka Soomaaliya ayaa rumeysan in tani ay tahay isku-day kale oo uu Farmaajo ku xagal daacinayo xal u raadinta is-mari waaga doorashada, si uu kursiga ugu sii fadhiyo xilli muddo xileedkiisa uu dhammaaday saddex bil kahor.