Midowga Musharaxiinta oo magacowday taliye u gaar ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan xubnaha ku dhow dhow Midowga Musharaxiinta ayaa Caasimada Online u sheegay in Janaraal ka tirsan Milateriga Soomaaliya loo magacaabay taliyahooda gaarka ah ee amniga.

Sarkaalkaan oo aan ilaa hadda la shaacin magaciisa ayaa la sheegay inuu yahay Janaraal ka tirsan Milateriga Soomaaliya, waxa uuna mar soo noqday taliye qeybeed.

Warar hordhac oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Janaraal Maxamuud Ismaaciil Koronto loo magacaabay xilkaan waxaana isku raacay dhamaan musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay magacaabay guddi ka kooban 28 xubnood, kuwaas oo ay sheegeen in ay ka shaqeyn doonaan badbaadada doorashada Soomaaliya, kadib markii guddiga doorashada ee lagu muransan yahay ay doorteen guddoomiye iyo ku-xigeen.

Mucaaradka ayaa doonaya inay xaqiijiyaan sugidda amnigooda, xilli laga cabsi qabo in xaaladda faraha kasii baxdo, dowladdana ay qaado tallaabooyin aan la mahdin.

Khilaafka siyaasadeed ee dalka ayaa kasii daraya, waxaana madaxweyne Farmaajo uu ku adkeystay in xukuumadda Soomaaliya ay qabaneyso doorashada ayada oo, sida uu sheegay, la fulinayo heshiiskii doorashada.

Hase yeeshee, Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa taas ka digay waxayna sheegeen inay qaadayaan tallaabo kasta oo dalka looga badbaadinayo inay ka dhacdo doorasho boob ah ama uu ku dhaco firaaq dastuuri ah.

Waxay sidoo kale uga digeen Madaxweyne Farmaajo in uu qaadayo cawaaqib xumida ka dhalata ku adkaysiga tallaabooyinka uu ku diidan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay oo sharciga waafaqsan.”