Militariga dalka Turkiga iyo qorshaha fog ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Difaaca ee Dowladda Turkiga, si joogto ah ayay usoo dhigtaa baraha bulshada sawirrada saraakiisha iyo askarta Soomaalida ee tababarka u jooga dalkeeda. Turkigu wuxuu gudaha Soomaaliya ku leeyahay xero tababar tan ugu weyn oo dibadda dalkiisa uu ka dhisto.

Dowladda Turkiga waxay kaalin firfircoon ku leedahay haqabtirka leyliga iyo dhibowga ciidanimo oo askariga Soomaaliga ah uu u baahan yahay. Waxay hadiyo jeer saraakiisha Turkidu kala taliyaan Soomaalida inay ka dhabeeyaan hanka dib-u-curashada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.  

Da’yarta kasoo baxda dugsiyada sare ee dalka ayaa codsan kara inay helaan tababbar ciidan, waxaana loogu yeeraa inay kusoo biiraan imtixaannada loo galo kamid noqoshada cutubyada la qaadanayo.

Kuwa ka gudba tijaabada iyo waraysiyada ay la yeelanayaan saraakiisha Turkida ah, waxay ugu dambeyntii kamid noqdaan kuwo la qaato. Waraysiga kaddib ayaa la go’aamiyaa haddii sarkaalku doonayo inuu helo darajo ciidan ama uu kaliya rabo tababar ciidan.  

Kahor ‘dhibowga’ ama tababbarka, ardayda waxaa la siiyaa lix bilood oo barashada afka Turkiga ah. Casharradana waxaa bixiya barayaal ka socda Mac-hadka Yunus Emre oo ah mid ku dhisan qorshaha Erdogan uu Afrika ka leeyahay. 

Laakiin sida saxda, fasallada barashada luqadda waxaa loogu tala-galay hal sano. Balse lixda bilood ee loo qorsheeyey saraakiisha Soomaalida waxay la micno tahay inay ugu yaraan fahmi karaan amarrada tababarayaasha Turkida ah ay siinayaan.  

Caqabad ayaase ka jirta dhanka is-fahamka. Askarta Soomaalida ee Turkiga u jooga tababbarka way adag tahay inay si buuxda u fahmaan hadalka saraakiisha tababbarka siinaya oo aan ku hadlin af Ingiriis ku filan.

Waana sababta keeneysa in barashada luqadda Turkiga ay kaalin muhiim ah ku yeelato xeryaha tababarka lagu siinayo ciidamada Soomaaliya. 

Dadaallada tababarrada gudaha iyo kuwo dibadda loogu qaadayo askarta Soomaalida-na waa is barbar socdaan, sanadihii u dambeeyey.

Saraakiisha Soomaalida qaarkood waxaa loo diraa tababar ku saabsan sida looga hortago falalka argagixisanimada iyo leyliyo kale oo howlgelinta ciidanka la xiriira inay kusoo qaataan magaalada Isparta ee dalka Turkiga.

Waxaa cutubyadan loogu tala-galay inay ka qeyb noqdaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Laakiin mucaaradka Soomaaliya ayaa ciidamada Soomaalida ee gudaha iyo dibadda kusoo qaatay tababarada ku eedeeyey in loo adeegsaday caburin iyo qalalaaso siyaasadeed.

Markii uu jiray muddo kororsigii madaxweynaha Farmaajo sameystay bishii Abriil ee sanadkii hore, ciidamada ayaa loo adeegsaday inay xabado ku furaan dadkii dibadbaxayay oo ay ku jireen madax sare oo dalka jagooyin sare ka soo qabatay. 

Ciidamada ay tababbarka siiyeen Turkiga sida Haramcad waxaa lagu eedeeyey in loo adeegsaday dano siyaasadeed oo ka hor imaanaysa ujeedkii loo tababbaray. Sida ay ku warrameen saraakiisha Turkiga, Ankara ayaa ku dhawaad 5,000 oo askar ah u tababartay Muqdisho, kuwaas oo kala heerar iyo derejo ah. Waxayna 30% ka yihiin wadarta ciidamada qaranka Soomaaliya. Waxaana la filayaa in tiradu intaas kasii badato. 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Gen. Odowaa Yuusuf Raage, wuxuu sannadkii 2021 kamid ahaa dufcaddii ka qalinjebisay Akademiyadda Tababbarka Ciidanka ee loo dhisay in saraakiisha Soomaalida ah lagu siiyo tababbaro. Odowaa oo shubaal ugu hadla afka Turkish-ka, wuxuu joogto ugu safraa dalkaas.  

Turkiga wuxuu ciidamada Soomaalida u arkaa kuwa damaanad-qaadaya joogitaankiisa gudaha Soomaaliya, wuxuuna sii wadaa kaalmada, qalabaynta iyo tababbarka oo uu siinayo ciidamadeena. 

Iskaashiga difaaca iyo xeryaha tababbarka ciidamada iyada oo laga eegayo, Turkigu wuxuu doonayaa inuu ballaariyo saameynta siyaasiga ah iyo midda awoodeynta ciidamada Soomaaliya. Marka ay timaado bixitaanka ciidamada AMISOM, Turkigu waa kan loo arko inuu qaabeyn doono ciidamada Soomaaliya.  

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu soo bilowday sannadkii 2011-kii, markii kaalin lixaad leh oo bani’aadnimo uu ka geystay abaartii ku dhufatay Soomaaliya, taas oo dadka Soomaaliyeed ay aad mahdiyeen.

Taageeradii bini’aadanimo waxaa xigay mashaariic horumarineed oo Turkigu uu ka hirgeliyay dalka, isagoo furay iskuullo iyo xeryo lagu tababaro ciidamada qaranka, kuwaas oo qeyb ka ahaa dib u dhiska Soomaaliya.  

Xero ciidan oo aad u weyn oo la yirahdo Turki-Som ayuu hadda Turkigu ku leeyahay Muqdisho. Waxaa kale oo shirkado Turkish ah ay maamulaan garoonka Aadan Cadde iyo dekedda weyn ee magaalada Muqdisho. 

Sannadkii 2017-kii, ayaa la dhisay xerada. Waxaana tallaabtaas ay Ankara ku siyaadisay heerkeedii ugu sarreeyey joogitaanka gudaha dalka dhaca Geeska Afrika. Dhismaha xerada oo ay ku kacday lacag dhan 50$ milyan, waa afar kilomitir oo isku wareeg ah. Waxaana mar kaliya ku tababbaran kara 1,500 oo askari. 

Sanadkii 2014-kii, waxaa sidoo kale si buuxda loogu gacan-banneeyey maamulka dekadda Muqdisho Islamic Albayrak Group. Waxaana shirkadaas xoogeeda iska leh ganacsato Turki ah, kuwaas oo xiriir dhow la leh madaxweyne Erdogan.  

Sanadkii 2020-kii Turkigu wuxuu helay heshiisyo is-daba-joog ah oo macdanta iyo shidaalka ceegaaga Soomaaliya uu kaga faa’iidaysan karo, wuxuuna sameeyay hannaan u oggolaanaya shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladdu inay sahmin karaan fursadaha tamarta ee dalkaan ku yaalla Geeska Afrika, istaraatiijigana ah.