Mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha baarlamanka Puntland oo lala simay kan madaxweynaha maamulka

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta u codeeyay wax ka badal ay lagu sameeyay xeer-hoosadka golahaas ee ku saabsan mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha golaha.

Xeer-beddelka la sameeyey ayaa lagu go’aamiyey in mooshinka xilka ka qaadista ay tahay inay u codeeyaan ugu yaraan 44 xildhibaam, halka markii hore ay ka aheyd 34 xildhibaan.

52 Xildhibaan oo fadhiga xaadirtay waxaa Ansixinta Xeerkaan u codeeyay 38-Xildhibaan, 10 ayaa diidan halka ay ka aamuseen 4-kale sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Ansixinta xerkaan ayaa waxay ka dhigan tahay in madaxweynaha Puntland iyo guddoomiyaha barlamaanka ay ka siman yihiijn codadka ay xilalkooda ku waayi karaan haddii mooshin lagasoo gudbiyo. Madaxweynaha ayaa markii hore codadka looga qaadi karo xilka ahaayeen 44, balse hadda waxaa sidoo kale lala soo simay guddoomiyaha baarlamanka.

Codadkan waxay u dhigan yihiin labo meelood oo kamid ah tirada xildhibaanada barlamaanka Puntland oo ah 66 mudane.

Wax ka badalka Xeer Hoosaadkaan waxaa soo Gudbiyay Guddiga Shuruucda & Cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Puntland, Aqrin kadib Golaha Wakiilada ayaa loo qaybiyay ugu dambeyn maanta u codeeyay.

Waa markii ugu horaysay oo barlamaanka uu wax ka bedel ku sameeyo xeerka awoodaha guddoonka barlamaanka. Waxaa la aaminsan yahay in uu xeerkaan adkayn doono in guddoomiyaha barlamaanka si fudud xilka looga qaado sida horey u dhacday.

Tan iyo markii la aas-aasay maamul goboleedka Puntland, inta badan guddoomiyayaashii barlamaanada ee soo maray waxay la kulmeen mooshin xilka looga qaadayay, iyadoo loo aaneenayay inuu ka yimid dhinaca madaxweynaha markaas joogay.

Waxaa ugu dambeeyay guddoomiyihii barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo-daareed, kaasoo todobadii bishii November ee sanadkii 2019 xilka looga qaaday mooshin lagasoo abaabulay madaxtooyada Puntland, sida uu isagu sheegay.