Mourinho oo sheegay inuu ku laabanyo EPL, isagoona dhararay inuu wajaho Sir Alex.

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan dharareyn inuu qabto shaqada kooxda Manchester United ka hor inta uusan ku laaban dalka Ingiriiska.

Ninka hugaamiya Real ma uusan sireysan sida uu ugu hamuun qabo inuu ku laabto horyaalka ugu xiisaha badan caalamka Barclays Premier League.

Waxaana looga gacan haatinayaa inuu sutida u qabto kooxaha sida Manchester United, Manchester City iyo Chelsea.

Mourinho ayaa ku celceliyey in badan inuu doonayo inuu Ferguson ugu dambeyn ka badalo shaqada Old Trafford.

Ferguson ayaa la ogsoon yahay inuu idiyaar u yahay inuu shaqadiisa sii wato ilaa dhamaadka xiili ciyaareedka soo aadan – waxayna bixitaankiisa alabaabka u furi doontaa Mourinho.

Laakiin macalinkii hore ee Chelsea ayaa si daacadnimo ku dheehahan tahay u sheegay inuu diyaar u yahay inuu mar kale sugo Ferguson, taasoo ugu dambeyn uu kula biiri doono Red Devils.

Jose ayaa u sheegay talefeshinka CNN: “Waa wadada saxda ah ee markii aan macalin ahaa, Sababtoo ah waxaan ku fikiraayey inay kubada cagtu lumisay wax badan marka uu shaqadaan joojiyo tababarenimaduna ma lahan yaraan ama weyni.

“Aniga ahaan, waa macalinkeyga. Waxaan ugu wacaa macalin waa macalinka macalimiinta waxaana ku rajo weynahay inuu macalin sii ahaado marka aan ku laabto England.”