Mourinho oo si aan caadi aheyn u amaanay Cristiano Ronaldo ‘Wuxuu ka yimid aduun kale’

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa maanka ku haaya in Cristiano Ronaldo uu u qalmo abaal marinta Ballon d’Or wuxuuna jaho kale u bixiyey heer weeraryahanka Barcelona Lionel Messi.

Mourinho ayaa ka dib kulankii El Clasico wuxuu sheegay in labada ciyaaryahan ay ka yimaadeen caalam kale,  balse hada hadalkiisii labaad ayuu si aad ah ugu amaanay ninka ay isku wadanka yihiin isagoona ka sara mariyey weeraryahanka xulka Argentina.

“Fal danbiyeed ayay noqon doontaa hadii uusan Cristiano Ronaldo ku guuleysan Ballon d’Or” ayuu yiri Mourinho.

“Axadii [kulankii El Clasico] waxaan nafteyda weydiiyay su’aashaas ka dib ciyaar fantastik ah, waxaana isku dayay inaan helo jawaab cadaalad iyo xushmad leh, kaliya ma ahan ciyaaryahankeyga laakiin ciyaaryahanka ay xafiiltamayaan xitaa Lionel Messi.

“Hada ka dib marka qof mas’uuliyadeyda oo kale leh uu ii yimaado, iina sheego in ciyaaryahankiisa uu yahay kan ugu fiican adduunka, waxaana markaas ugu jawaabi doonaa sida tan:

“Ciyaaryahankeyga kuma dhalan magaalada Madeira, waxa uu ku dhashay meeraha Mars sidaasi darteed adduunkan kamaba uusan imaan. Sidaasi darteed isaga ayaa ah ciyaaryahanka ugu fiican gayigaan oo dhan.”