Mucaaradka oo shir deg deg ah ka yeelanaya ‘xaalka murugsan’ ee Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaridka Somaliland ayaa maalinta Sabtida shir deg deg ah ka yeelanaya xaalka ay waqti xaadirkan mareyso Somaliland, sida uu sheegay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.

Faysal Cali Waraabe ayaa maanta sheegay in Xisbiyada Mucaaridku ay shir qabsanayaan kaasi oo ay kaga arrinsanayaan inay shacabka u soo bandhigaan xogo ay hayaan, isla markaana ay go’aan ka qaataan xaalka murugsan ee Somaliland.

Guddoomiye Faysal ayaa xusay in Somaliland ay mareyso meeshii ugu xumeyd abid, isagoona si adag uga horyimid go’aankii Muuse Biixi ee dib u furista ururada siyaasadeed, wuxuuna yiri

“Dalku wuxuu maraya marxalad aanan islahayn waligii wuu gaadhaya ayuu maraya, guddo iyo dibad warwar weyn baa shacabkeeni haysta, sabtida ayaa labada xisbi wada fadhiisan doona oo xaaladda uu dalku marayo ayaanu go’aamo ka soo saari doonnaa, iyo xogta aynu hayno inaanu dadka la wadaagno”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Qaaraarkaasi oo dhinac walba kaga hadli doono, haday tahay arrimaha, dibadda, arrimaha gudaha, dhaqaalaha iyo halka uu marayo ayaanu go’aano ka soo saari doonno si umadda u baraarujinno”.