Mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay isbaheysi cusub iyo ujeedka ka dambeeya

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaridka Somaliland ee Waddani iyo Ucid ayaa waxay hadda magaalada Hargeysa kaga dhawaaqeen isbaheysi cusub, kadib ku dhawaaqistii natiijadii u dambeysay ee doorashooyinka Somaliland.

Labada Xisbi ayaa isbaheysigan cusub u magacaabay hogaan isku-dhafan oo ka tirsan Waddani iyo Ucid, waxayna ka shaqeynayaan sidii labada xisbi ay u hanan lahaayeen hogaanka golaha wakiilada iyo deegaanada.

Guddiga hogaaminaya isbaaheysigan cusub ayaa waxay tiradoodu dhan tahay 10 xubnood, kuwaasi oo min 5-xubnood ay soo magacaabeen hogaanka xisbiga Waddani iyo Ucid.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Hogaanka labada xisbi ayaa isku raacay in hogaanka u sarreeya ee golaha wakiilada iyo midka degmada Hargeysa laga faro maroojiyo xisbul xaakimka Kulmiye oo muddooyinkiid dambe hogaanka u hayey.

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa hogaaminayey doorashadii golaha wakiilada iyo deegaanka ee dhawaan ka qabsoomtay, waxayna ka dhigan tahay inuu isbaheysi cusub la sameystay xisbiga Ucid inuu aqlabiyada ugu badan ka helayo hogaanka golaha.

Xisbiga Ucid ayaa asaguna xubno ku leh golaha wakiilada iyo deegaanka, waana midda keentay in xisbiyadu sameystaan isbaaheysi cusub oo la isku gaashan-buureysanayo si ay u hantaan guddoonka iyo guddoon ku-xigeenka golaha wakiilada iyo hogaanka degmada Hargeysa.

Waxaa xusid mudan in doorashadii golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex iyo degmada Hargeysa ay codad tiro badan ku hogaaminayeen musharaxiinta ka tartamayey xisbiga Waddani.

Hoos ka aqriso magacyada guddiga isbaheysigan cusub