Mucaaradkii ugu weynaa ee Damu-Jadiid oo guul darro culus ay ka raacday doorashadii Aqalka Sare

Cadaado (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladii KMG ahayd, Xildhibaankii Qaranka iyo mid ka mida siyaasiyiinta ugu caansan degaanada Gobollada Dhexe ayaa maanta looga guuleystay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee maamulka Galmudug.

C/samad Macalin Maxamed wuxuu ahaa siyaasi si weyn uga horjeeda kooxda damjadiid, isla markaana gacan siiya kooxda Ahlu suna ee Gobollada Dhexe, laakiin wuxuu maray jidkii Khaliif C/qaadir Macalin Nuur oo isagu markii uu xaalada arkay isaga cararay loolanka.

Doorashadii goor dhoweyd ku soo idlaatay ee kursigii Beesha Ceyr ay ku guuleysatay Jawaahir Axmed Cilmi, waxay ka dhigan tahay in xildhibaanada Aqalka Sare ee Galmudug lagu doortay ay 90% yihiin taageerayaasha Damjadiid iyo Xasan Sheekh.

Sida looga adkaaday Siyaasiga C/samad ayaa la sheegay inay ka timid olole ay si hoose u wadeen madaxtooyada Somalia iyo madaxda Galmudug, waxaana C/samad uu sidaasi ku xaqiiqsaday inuu dibadda ka joogo dowladda cusub ee Soomaaliya labadeeda aqal ee baarlamaan.

C/samad ayaa xil u doontay maamul uu ka shaqeeyay inuusan dhismin, si weyn u mucaaraday isla markaana uu ka mid ahaa siyaasiyiinta u ololeynayay inuu burburo, waana taas uu dhaxlay miraheedii.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com