Muddayn: Dariiqii Soomaaliya: Laga soo billaabo burburkii 1991 illaa dowlad rasmi ah. (Xog culus)

Taniyo burburkii dawladdii dhexe 1991-dii, Soomaaliya waxay soo yeelatay dawlado ku meel gaadh ahaa oo is-daba jooga, iyagoo qaar ka mid ah aysan anfac lahayn ama ay ahaayeen sidii wax aan jirin. Balse dhalashada dawlad cusub oo rasmi ah darteed, Soomaaliya waxay bilowday inay ka tagto xilligii kala guurka ahaa.

Sanadka 2012-da, sharci dajiyeyaasha Soomaaliyeed ayaa ku guulaysatay inay ansixiyaan dastuur cusub, kaddibna madaxweyne ugu doortay Xassan Sheekh Maxamuud doorashadii ugu horaysay ee lagu qabto Soomaaliya muddo ka badan labaatan sanadood.

Janaayo 26, 1991: Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa la riday. Tartan awoodeed dhex maray dagaal oogayaashii qabiillada ayaa dilay ama dhaawacay kumanaan shacab ah.

Juunyo 1991: Shan bilood kaddib markay dhacday dawladdii dhexe ee Soomaaliya, Madaxweynaha Jabuuti Xassan Guuleed Abtidoon wuxuu ku casuumay kooxaha dagaalamaya inay ku wada hadlaan Jabuuti markii ugu horraysay.

Luuliyo 1991: Shir labaad ayaa lagu qabtay Jabuuti kaasoo kooxihii ka qayb galay ay ku heshiiyeen in loo doorto Cali Mahdi Maxamed madaxweynaha Soomaaliya ee ku-meel-gaadhka ah muddo laba sanadood ah.

Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid wuxuu qaadacay doorashada Maxamed ee jagada madaxweynaha ku-meel-gaadhka ah.

Janaayo 1993: Qaramada Midoobay ayaa maal galiyay shir ay isugu yimaadeen kooxaha dagaalamaya oo ka dhacay Addis Ababa, Itoobiya si loo af jaro dagaalka sokeeye ee socda.

Maarso 1993: Kooxaha iska soo horjeeda ayaa saxiixay Heshiiskii Addis Ababa oo ay ku aqbaleen heshiis iyo hub dhigis, balse dagaalkii sokeeye ayaa sii socday, heshiiskiina wuu kala dhacay.

Oktoobar 1996: Madaxweynii hore ee Kenya Daniel Arap Moi wuxuu ku casuumay saddexdii hoggaamiye kooxeed ee ugu waynaa– Cali Mahdi Maxamed, Xusseen Caydiid iyo Cusmaan Caato — wada hadal nabadeed oo Nairobi lagu qabanayay.

Nofeembar 1996-Janaayo 1997: Dadaal nabadeedkii Moi waxaa hor joogsaday Itoobiya markay ka casuumeen 26 kooxood shir nabadeed ka dhacay Sodere, Ethiopia. Wada hadalladii Sodere waxay socdeen Nofeembar 1996 illaa Janaayo 1997, iyadoo 41 hoggaamiye qabiil ay matalayeen 26 kooxood.

Nofeembar 1997: Shirkii Sodere waxaa marin habaabiyay shir kale ee dib-u-heshiisiin ah oo Qaahira loogu qabtay kooxaha Soomaaliya oo dagaalku ka dhexeeyo.

Maayo 2000-Agoosto 2000: Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelleh wuxuu marti sooray Shirkii Qaran ee Nabadaynta Soomaaliya ee Carta, kaasoo curiyay Dawladda Qaranka ee Ku-meel Gaadhka ah (TNG). Xildhibaanada Soomaaliyeed waxay madaxweynaha TNG u doorteen Cabdiqasim Salaad Xassan.

Diseembar 2003: Guddigii maamulka DQKM waxay baahiyeen inay masalifeen.

Oktoobar 2002-Oktoobar 2004: Guddi Dawladeedka Horumarka (IGAD) ayaa maal galiyay Shirkii Dib-u-heshiisiinta Qaranka Soomaaliya ee ka dhacay Eldoret, Kenya. Wada hadalladu waxay horseedeen in la aqbalo Qaraarka Ku-meel-gaadhka Federaalka ah iyo doorashadii Cabdillahi Yusuf Axmed madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Ku-meel Gaadhka ah (DFKM), taasoo bedeshay DQKM. DFKM waxaa loo qorsheeyay inay Soomaaliya ka gudbiso xilliga kala-guurka ah markuu wakhtigeedu dhamaado Agoosto 2009.

Juunyo 2006-Diseembar 2006: Midawga Maxaakimta Islaamiga ah (ICU) oo uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka talinayay koonfurta Soomaaliya inteeda badan kaddib markay dagaal-oogayaashii Soomaaliya ka saareen Muqdisho.

Diseembar 2006: Ciidan isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa qabsaday Muqdishu kaddib markii ICU xoog looga saaray magaalada.

Janaayo 2007: Guddiga Midowga Afrika ee Nabadda iyo Ammaanka ayaa sameeyay Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ah ciidan nabad sugid oo markii hore loo qorsheeyay inay lix bilood ku taageeraan dadaallada heshiiska. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ansixiyay howlgalka Febraayo.

Sebteembar 2007: Hoggaamiyeyaasha ICU iyo qaybo mucaarad ah oo ka tirsan DFKM ayaa ku kulmay Asmara, Eriteria kuwaasoo curiyay Ururka Dib-u-xoraynta Soomaaliya (ARS).

Juunyo 2008: Dawladda ayaa Jabuuti kula saxiixatay heshiis saddex bilood ah oo xabad joojin ah ARS, balse hoggaamiyaha ARS Xassan Daahir Aweys wuu diiday heshiiska, kaasoo horseeday inuu ururku dhexda ka kala jajabo.

Maayo 2008-Juunyo 2008: Xildhibaano ka socda DFKM iyo ARS ayaa ku kulmay Jabuuti intii u dhexaysay Maayo 31-deedii iyo Juunyo 9-keedii kuwaasoo saxiixay heshiis nabadeed.

Janaayo 2009: Sharci dajiyeyaasha Soomaaliya waxay ku doorteen Jabuuti Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyagoo 2 sano ku kordhiyay xilligii DFKM oo ahaa shan sano.

Febraayo 2011: Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu u codeeyay in saddex sano oo dheeraad ah loogu sii daro xilligii loo qorsheeyay Hay’adaha Federaalka ee Ku-meel-gaadhka ah iyagoo diidmo kala kulmay daawadayaasha caalimiga ah. Waxay taasi dhalisay xurguf ka dhex dhalatay afhayeenka baarlamaanka iyo madaxweynaha oo mid waliba uu dalbaday in xilligiisa oo kaliya la kordhiyo.

Juunyo 9, 2011: Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Afhayeenka Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa saxiixay Heshiiskii Kampala oo hal sano loogu kordhiyay xilligoodii dhamaan waaxyaha federaalka ku-meel-gaadhka ah. Heshiiska awgiis, DFKM waxaa laga doonayay inay sameeyaan dastuur federaal ah, doortaan madaxweyne kana saaraan Soomaaliya xaaladda ku-meel-gaadhnimo Agoosto 20-keeda, 2012.

Sebteembar 6, 2011: Hoggaamiyeyaal Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah ee joogay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay Qorshaha Nabadda, liis qoraya daraasiin hab oo loogu hoggaaminayo Soomaaliya dawlad rasmi ah. Waxaa ku jiray qorsheyaal looga hortagayo burcad badeednimada, lagu askaraynayo kooxaha maleeshiyada maxalliga ah, u diyaar garowga doorashada, qaabaynta hawlgallo nabad-dhisid iyo ka hortagga musuq-maasuqa.

Diseembar 24, 2011: Hogaamiyeyaal ka kala yimid baaxada Soomaaliya ayaa saxiixay Heshiiskii Garoowe, iyagoo qorshe u sameeyay dawlad rasmi ah una qoondeeyay tiro go’an xildhiibaanimada dumarka ee baarlamaanka.

Febraayo 18, 2012: Hogaamiyeyaal ka kala yimid baaxada Soomaaliya ayaa saxiixay Heshiiskii 2-aad ee Garoowe, iyagoo qaabeeyay samayska nidaam federaal ah, nidaamyo doorasho iyo baarlamaan oo badalaya DFKM Agoosto.

Maarso 26, 2012: Hogaamiyeyaal Soomaaliyeed ee ku sugan Gaalkacyo ayaa aqbalay inay hawlgaliyaan tallaabooyn muhiim ah oo ku jiray Qorshaha Nabadda si loo gabagabeeyo xilliga kala-guurka, iyagoo waasiciyay heshiisyadii hore ee Garoowe kuna sii dheeraaday sharaxa tallaabooyin la’isku raacinayo dawlad goboleedyada Soomaaliya.

Maayo 31-Juunyo 1, 2012: Hoggaamiyeyaal Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah ayaa ku kulmay Istanbul, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka inay sii wadaan taageeradooda dhisidda iyo si fiican u qalabeynta ciidamada ammaanka Soomaaliya, oo ay ku jiraan ciidanka bilayska qaranka, badda, ilaalada badda iyo hay’ado sirdoon inta ay socoto dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

Juunyo 20-21, 2012: Shir rasmiyeed laba maalmood socday ayaa dhex maray DFKM iyo Somalilandoo lagu qabtay London, kaasoo dhaliyay wada-hadalkii koobaad oo toos u dhex mara labada kooxood in ka badan 20 sanadood.

Maayo 21-23, 2012: Kuwii saxiixay Qorshaha Nabadda oo ku kulmay Addis Ababa kuna heshiiyay muddooyin is-daba taxan oo loo qabtay dhisidda hay’ado munaasab ah iyo in loo sameeyo Soomaaliya dastuur cusub.

Agoosto 1, 2012: Shirka Dastuurka Qaranka Soomaaliyeed xildhibaanadiisa ayaa si xooggan ugu codeeyay in dalka loo sameeyo dastuur cusub.

Agoosto 20, 2012: Baarlamaankii cusbaa ee Soomaliya ayaa lagu dhaariyay gegida diyaaradaha Muqdisho, taasoo tilmaan u noqotay dhamaadkii xilligii kala-guurka ee dalka.

Sebteembar 10-keedii, 2012: Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku doortay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud doorashadii u horaysay ee madaxtinimo oo lagu qabto gudaha Soomaaliya in ka badan labaatan sanadood.

Isha: Sabahi.