Muhaajiriin Soomaali ah oo lagu la’yahay xeebaha Greece

Leros (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada ee xeebaha dalka Giriigga ayaa haatan wada howlgal ay ku baadigoobayaan 6 muhaajiriin ah oo lagu la’yahay Jasiirada Lero, kadib cilad ku timid doontii ay la socdeen, waxaana ku jira muhaajiriintaas kuwa Soomaali ah.

Maraakiibta ilaalada xeebaha Giriigga ayaa wada howlgal samata-bixin ah ah, waxayna horey u soo bad-baadiyeen 49 tahriibayaal Afrikaan ah, iyada oo sidoo kale doontii ay wateen ee macmalka aheyd laga helay badda dhexdeeda, sida ay ku warrantay ee AFP.

Afhayeen u hadlay ciidanka ilaalada xeebaha ee waddanka Giriigga ayaa shaaca ka qaaday in dadka la soo badbaadiyey ay badi ka soo jeedaan Soomaaliya, Sierra Leone iyo Uganda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in doontu ay saarnaayeen illaa 55 qof, balse illaa iyo hadda la la’yahay lix muhaajiriin ah, kuwaas oo ay ka baadigoobayaan biyaha dhexdooda.

Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sidoo kale howgal labaad ka bilaabay Pylos, oo ah meel ka baxsan xeebta koonfur-galbeed ee Giriigga, kadib markii laba markab oo ganacsi ay u gurmadeen 85 tahriibayaal ah oo la socday doon macmal ah oo dhibaato la soo deristay.

Maraakiibta ilaalada xeebaha ayaa bilaabay inay raadiyaan cid kasta oo laga yaabo in weli biyaha ku jirto, sida lagu sheegay bayaankan.

Dadka la badbaadiyay ayaa waxaa la geeyay Kalamata oo ah dekedda ugu dhow, sida ay shaaciyeen ciidamada ilaalada xeebaha ee waddanka Giriigga.

Inta badan muhaajiriinta kusii qul-qulaya qaaradda Yurub oo u badan Afrikaan ayaa safarro halis ah ku mara badda Aegean ee xeebta galbeedka Turkiga ilaa bariga Giriigga, waxayna baddaas sanadihii dambe galaafatay nolosha tobanaan muhaajiriin ah oo ku dhacay biyaha.